Puntland oo ka hortimid tillaabo ay qaadday DF Somalia (Qodob jebinaya Dastuurka oo ay ku doodayso)

0

(Garoowe) 24 Sebt 2022 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeestey go’aan ay Dowladda Federaalku ku diiddey shatiyada kalluumaysiga ee loo bixinayo heer Maamul-goboleed.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Jimcihii shalay, awaamiirta ka soo baxday Dowladda Federaalka ayaa ka hor imanaysa Dodobka 44-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo dhigaya in Khayraadka Soomaaliya la wadaago, kaddib marka ay wadahadlaan Dowladda Federaalka iyo maamullada ka tirsan Federaalka.

Waxa ay ka digtey in haddii Muqdisho ay ku sii socoto ku xadgudubka wax ay ku sheegtay ”heshiisyada qaybsiga khayraadka ee ay la gashay Maamul-goboleedyada Soomaaliya ay horseedi doonto amni darro iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka in ay jebisey heshiisyadii ku saabsanaa qaybsiga khayraadka badda ee dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada ee ka dhacay Baydhabo 2018-kii iyo Addis Ababa 2019-kii, waloow heshiisyadaa oo dhan ay markii dambe diiddey isla Puntland, iyadoo ka baxday heshiiskii Batrool baarista oo heshiisyadan hoos tegayey.

Waxay kaloo sheegtay in Puntland ay yeelanayso awood u dhiganta dowlad madax-bannaan ilaa laga soo dhamaystirayo dastuurka federaalka, laguna ansixinayo afti dadwayne, taasoo lafteedu ka hor imanaysa Dastuurka KMG ah ee DF oo aan gobolna siinaynin inuu u dhaqmo sidii dal madax-bannaan.

Sannadkii hore, Soomaaliya waxay sheegtay inay la dagaallami doonto kalluumaysiga sharci-darrada ah oo iminka aad ugu kordhaya dalka, iyadoo la soo saarayo sharci lagu xaqiijinayo nidaam isku mid ah oo dalka oo dhan ka shaqeeya.

Waxaa dalalka ka jillaabta Somalia ka mid ah kuwa dalalka EU ka tirsan oo sheega inay ilaaliyaan xeebaha dalka, iyadoo is barbaryaacan ka dhalanaya go’aanka Puntland oo kale uu keenayo inay arrimahani sii socdaan oo la xado kalluumaysiga dalka, iyadoo rukhsado aan lacag badan ku fadhin dalkana dan u ahayn laga qaadanayo dhowr siyaasi oo qoowlaysato ah.

Hadalsame Media