Warbixin ku saabsan arrin ka taagan Masjidka cusub ee Cali Jimcaale & Dhallinyaro halkaa sawirro ku gala (Daawo)

0

(Muqdisho) 24 Sebt 2022 – Sawirku waa nooc dacwada ka mid ah. Waa maqaal gaaban oo uu qoray Maxamed Axmed Ilkacase, kaasoo uu kula hadlayo jamaacada ku xiran Masjidka Cali Jimcaale oo ay dhallinyaro badani u tagaan inay isku sawiraan, balse loo diido inay halkaa waqti ku qaataan.

”Sheekhow dhallinyarada kaddaa farriintaa fadlan, oo daa sawirka ha galeen oo ha farxeen oo saaxiibadood ha u sheegaan inay Masjidka joogaan.

”Masjidku waa goob ubadka lagu barbaariyo, dhallinyarada lagu toosiyo, saaxiibo lagula noqdo, naadiyo looga abuuro. Wiilka ama gabadha sawirka u yimid masjidka waxaa laga yaabaa in Ilaahay ku anfaco oo ku hanuuniyo khudbadda Jimcaha.

Dadka ugu badan ee sawirrada iyo muuqaallada isaga duubaya waa dhallinyaro haddii aan la soo dhowayn oon masjidka la jeclaysiin aadaya goobaha xun xun ee daroogada lagu isticmaalo.” ayaa ka mid ah maqaalka oo uu soo jeedinayo Maxamed Xaaji ee hoos ka daawo.

Hadalsame Media