Nin sheegay inuu u taagan yahay soo celinta ”sumcadda Soomaalida” oo ka mid ah kuwa loo haysto xatooyada xoolaha DF Maraykanka (Daawo)

0

(Washington, DC) 23 Sebt 2022 – Waaxda Cadaaladda Maraykanka ayaa dorraad oodda ka rogtey dacwado ka dhan ah 47 qof oo u badan Soomaali lagu eedeeynayo inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu waynayd dalka Maraykanka marka ay timaado dhaqaalaha laga sameeyey lacago loo qoondeeyey gargaarka faafaha COVID-19.

Dokumentiyada ay soo bandhigtay Wasaaradda Cadaaladda waxaa ku jira ilaa lix kiis dacwadeed oo kala duwan, iyadoo dadka 47-da ah loo hayso kaalinta ay ku lahaayeen lunsiga adduun dhan $250 milyan oo Doollar oo lagu xaday magaca barnaamij ay DF Maraykanku ugu talagashay nafaqaynta carruurta xilligii cudurkan. Halkan kasii aqri…

Waxaa liiska dadka eedaysan ee lasoo gudbiyey ka mid ah Mukhtaar Maxamed Shariif, Madaxa shirkada Afrique Hospitality Group islamarkaana ah 31-jir ku nool 31 Bloomington, Minnesota, kaasoo horay u sheegay inuu u taagan yahay ilaalinta sumcadda Soomaalida oo uu sheegay inaysan fiicnayn.

Mukhtaar Maxamed Shariif oo kaaga darane la sheegay inuu ka tirsan Guddiga Masjid ku yaalla gobolkaas, ayaa mar uu waraysi bixinayey yiri: “Waxaan rabaa in aan wax ka beddelo sheekada guud ee dadka Soomaaliyeed. Marka aad erayga Soomaali raadiso waxaa kuusoo baxaya burcad badeed, faqri, argagixisannimo iwm.”

Yeelkeede, haatan wuxuu Shariif ka mid yahay 47 eedaysane oo ay Waaxda Cadaaladda Federaalku ku eedaysay inay dhaceen $250 milyan oo Doollar oo ay ka xadeen adeegyada DF Maraykanka ee gobolka Minnesota, waloow uusan weli jirin qof dembi lagu helay ilaa haatan.

Hadalsame Media