DAAWO: Ilmo iyo haween ku ooyaya raggoodii oo loosoo wado dagaalka Ukraine (Muuqaal naadir ah oo lagasoo duubay gudaha Ruushka)

0
FILE - People walk past a billboard with a portrait of a Russian soldier awarded for action in Ukraine and the words "Glory to the heroes of Russia" in St. Petersburg, Russia, Monday, Sept. 5, 2022. (AP Photo/Dmitri Lovetsky, File)

(Hadalsame) 23 Sebt 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa beri dhowayd sheegay inuu u dumayo ciidan cusub dhanka dagaalka Ukraine isagoo sidoo kale ku gooddiyey inaysan falax-gooddin ka ahayn “adeegsiga nukliyeerka”, islamarkaana NATO ku tilmaamay “qar iska tuur”.

Ruushka ayaa sheegay inuu dagaalka Ukraine soo gelinayo ilaa 300,000 oo askari oo cusub, balse sida ay BBC News baahisey oo uu wadaagey Wasiir Dibadeedkii hore ee Sweden, waxaa loo yeerayaa ciidamadii kaydka ahaa ee Ruushka, taasoo muujinasa qarada xaaladda.

Waxaa la arkayaa qoysas iyo asxaab isku ooyaysa xilligii sagootinta ee ciidamada la saarayey basas looga soo qaadayo meelo kala duwan oo Ruushka ah, iyadoo la maqlayo ilmo yar oo ku ooyaya ”aabbe”.

Waxaa sidoo kale la arkayaa dad iyagoo xanaaqsan taagan bannaanka xafiiska askar qorista, iyadoo uu nin ku qaylinayo: ”Dagaalkii 2-aad wuxuu ahaa dagaal dhab ah, balse midkani waa uun siyaasad.”

Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale bilowday inay caburiso shacabka diiddan dagaalka Ukraine iyo ciidamadan cusub ee dib loo ururinayo sida uu BBC u sheegay Mikhail Suetin oo laftiisa la xirey isagoo xusay in ilaa 10 sano lagu xukumi karo qofkii diida nidaamkan oo qafaal u qaab eg.

BBC ayaa sidoo kale sheegtay inay dheeraanayaan safafka gawaarida dadka Ruushka ah ee da’dii dagaalka ku jira ee ka baxsanaya dalkaasi, gaar ahaan dhanka xadka Georgia oo ah dal uu Ruushku horay uga goostay Abkhazia iyo South Ossettia.

Hadalsame Media