”Faqri & daciifba waa taageeraynaa” – Shiinaha oo kulan uu Somalia la yeeshay ballanqaad ku sameeyey kuna dhega hadlay Maraykanka & Somalia lafteeda

0

(New York) 23 Sebt 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha, Wang Yi, iyo madax kale ayaa kulan la yeeshay wefdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda DF Soomaaliya. Abshir Cumar Huruuse, oo ka qaybgelayey shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Wang oo Somalia uga mahadceliyey moowqifkeeda ”Hal Shiine”, ayaa sheegay in saaxiibtinimada soo jireenka ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah sababta ay u jirto saaxiibtinimada guud ee Shiinaha iyo Afrika, iyadoo ay Somalia ahayd dalkii ugu horreeyey ee Bariga Afrika xiriir la yeesha Shiinaha.

”Shiinuhu wuxuu had iyo jeer u ololeeyaa dhammaan dalalka, mid wayn ama yar, mid xoog leh ama daciif ah, mid hodan ah ama faqiir ah, inay siman yihiin,” ayuu yiri Wang oo si dadban Somalia u dareensiinaya war dhegahadal ah.

Shiinaha ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo ilaalinta madax-bannaanideeda dhuleed iyo sharafteeda, isaga oo intaa ku daray in Shiinuhu uu sii wadi doono ku garab istaagga Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah si uu u taageero dalabaadkeeda sharciga ah.

Waxa kaloo sheegay in Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu xoojiyo hiillada dhammaan dalalka soo koraya, ee kasoo horjeeda cagajuglaynta halka dhinac ah iyo in si wadajir ah loo ilaaliyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale, taas oo ah dhaqan aasaasi u ah xiriirka caalamiga ah.

Hadalsame Media