Ruushka oo hubka nukliyeerka u adeegsan Ukraine (Warbixin ku saabsan cududda dalkaasi ee hubkan halista ah)

0

(Hadalsame) 23 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku dhawaaqay “qayb ka mid ah abaabulka” ciidamo loo dirayo dalka Ukraine, wuxuuna ku hanjabay inuu awoodiisa oo dhan u adeegsado difaaca dhulka Ruushka, taasoo cabsi ka abuurtay caalamka.

Digniinada hore Ruushka, ayay falanqeeyayaasha sheegeen in loo fasiran karo digniin ku socota wadamada kale si aysan u kordhinin ku lug lahaanshahooda Ukraine, haddii ay taasi dhici waysana ay danta ku khasbi doonto inuu isticmaalo hubka nukliyeerka.

Dhanka kale, Madaxwaynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa u muuqday inuu meesha ka saaray madmadow kasta oo ku saabsan adeegsiga hubka nukliyeerka.

Medevedev wuxuu sheegay in hub kasta ay haysato Moscow, oo xitaa uu jiro hubka istiraatiijiga ah ee nukliyeerka, loo isticmaali karo in lagu difaaco dhulalka ku biiray Ruushka ee ka soo go’ay Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

“Reer Galbeedka iyo guud ahaan muwaadiniinta dalalka NATO waxay u baahan yihiin inay fahmaan in Ruushku doortay waddadiisa,” ayuu yiri. Hubka Nukliyeerka ayaa jira muddo ku dhow 80 sano, dalal badan ayaana u arka mid ka hortagaya welina dammaanad qaadaya ammaankooda qaran.

Intee ayuu la’eg yahay baaxadda hubka Nukliyeerka ee Ruushku haysto?

Dhammaan tirooyinka ama baaxadda ku saabsan hubka nukliyeerka waa qiyaas, balse, sida laga soo xigtay Ururka Saynisyahanada Maraykanka, Ruushku wuxuu haystaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah – qalabka guba  fiyuuska qaraxa nukliyeerka – inkastoo tiradaas la sheegay inay ku jiraan ilaa 1,500 madaxyo nukliyeer ah oo aan shaqeynin kuwaas oo la rabo in la burburiyo. .

4,500 ama wax ka badan madaxyada nukliyeerka ee haray, intooda badan waxaa loo tixgeliyaa hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka – gantaalada ballistic-ga ama gantaallada lagu hagi karo bartilmaameedyada fog. Tirada hubka nukliyeerka ee Ruushka:

1 – Gantaallada qaaradaha u kala goosha: 1,185

2 – gantaallada balistikada ah ee ay qaadaan maraakiibta quusta: 800

3 – Gantaallada nukliyeerka ee laga soo gano diyaaradaha: 580

.

Madaxyada nukliyeerka ee uu haysto Ruushka marka loo barbar-dhigo dalalka kale ee haysta.

.

Muxuu yahay hubka nukliyeerku?

Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan.

Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada “atoms” iyo “isotopes”, haddii aad soo dhigatay maadada seyniska – kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka.

Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya.

Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero “atomic bomb”.

.

Hubka nuclear-ka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah – kaasoo ah mid sababi kara waxyeello badan – sidaas darteedna saameyntoodu waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib.

Hase ahaatee labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida – waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sanadkii 1945-kii, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo laga xishoodo in tiradiisa la sheego.Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux.

Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof.

Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay nuclear-ka wali looma adeegsanin dagaal kale.Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nuclear-ka, oo kala ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa’iil iyo Kuuriyada Waqooyi.

Yaa samayn kara hubkan?

Markii sida guud loo eego, jawaabtu waa inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon seynis u leh, farsamada yaqanana, qalabkana heli kara.

Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jawaabta su’aashaas waxay qaadaneysaa sheeko dheer.

Waxaa jira wax loogu yeero is-afgaradka xakameynta hubka Nuclear-ka, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo (NPT) – kaasoo ah heshiis looga gol leeyahay in looga hortago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn.

Tan iyo 1970-kii, 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga Nuclear-ka.

Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dowladaha ku hubeysan nuclear-ka – waana loo oggol yahay inay heystaan hubkaas, sababtoo ah waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshiiska NPT la dhaqan galinin 1-dii bishii January ee sanadkii 1967-kii.

Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nuclear-ka, heshiiskana ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda waxaa laga rabaa inay yareeyaan xaddigiisa mana loo oggola inay waligood iska heystaan.Israa’iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin inay heysato nuclear), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama aha heshiiskaas, mana aysan saxiixin.

Kuuriyada Woqooyi waxay heshiiskaas ka baxday sanadkii 2003-dii.

BBC

Hadalsame Media