Warkii Ruushka oo durba soo baxay (Kooxo ka dhisan horyaal wayn oo Yurub ah oo doonaya inay iftiinka qorraxda ku dheelaan)

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2022 – Sahan dhanka internet-ka laga sameeyey ayaa lagu ogaadey in kooxaha Kubadda Cagta heerarka hoose ee Ingriiska (sida EFL oo ah heerka 2-aad) ay diyaar u yihiin inay kulamadooda ciyaaraan xilliga qadada si ay u yareeyaan dhibaatada ka dhalatay qiimaha cirka ku shareeran ee UK.

Sahankan oo ay sameeyeen kooxda dib u habaynta kubbada cagta ee Fair Game ayaa lagu ogaadey in 63% oo ka mid ah 40-ka kooxood ee ay su’aalaha waydiiyeen – oo ay ku jiraan 12 kooxood oo EFL ah – ay ka  doonayaan inay arrintan ka baaraandegaan.

Waxay gaar ahaan diiradda saarayaan kulamada hore ee ciyaaraha dhacaya todobaad-dhammaadka si ay u yareeyaan biilasha tamarta haddii fasax la siiyo, sidaas darteedna ay ka faa’iidaystaan iftiinka maalinta waloow uu sii yaraanayo iftiinka qorraxdu jiilaalka soo socda awgii.

Intaa waxaa dheer, in 50% naadiyada la waraystay ay ka fikiri doonaan inay isla tillaabadaa ku wajahaan kulamada FA Cup oo ay ka qaybgalaan kooxo isku dhaf ah oo heerarka sare sida EPL iyo kuwa hoosaba leh.

Naadiyada ayaa guud ahaan ku qiimeeyey walaaca ay ka qabaan dhibaatada nololeed ee taagan 7 ka mid ah 10-kiiba, iyadoo tiradu ay ka sarrayso oo ah tahay 8 ka mid ah 10-kiiba kooxaha ku jira League Two, oo ah Heerka Afraad ee xirfadlayaasha kubada cagta Ingariiska.

Warkan ayaa soo baxaya xilli uu Ruushku sheegay in Yurub ay gacmeheeda isku burburinayso intii ay is lahaayeen Ruushka ku xumeeya.

Hadlsame Media