”Kama celin karno inay gacmahooda isku burburiyaan” – Wasiir Dibadeedka Ruushka oo “kashifay” meel uu Maraykanku uga caqli badiyey EU

0

(New York) 22 Sebt 2022 – Sababta ugu wayn ee xaaladda dunida sii xumaanaysa waa “rabitaanka joogtada ah ee reer Galbeedka uu Maraykanku hoggaamiyo si loo xaqiijiyo awooddooda caalamiga ah,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka ee Sergey Lavrov oo Arbacadii waraysi gaar ah siiyey Newsweek.

“Dadaalkani ay wadaani waa “wax aan macquul ahayn sababo muuqda dartood,” ayuu Lavrov ku daray.

“Kuwan (Galbeedka) oo aan rumaysan nahay inay ahaayeen shuraako dhaqaale oo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay doorteen cunaqabatayn sharci darro ah iyo goynta xiriirkii ganacsi qaab hal dhinac ah,” ayuu Lavrov u sheegay majaladda, isaga oo ula jeeda Maraykanka iyo EU.

Lavrov, oo todobaadkan ku sugan magaalada New York oo uu ka furmay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa sidoo kale ka hadlay saamaynta ay cunaqabataynta reer Galbeedku ku yeelanayso dhaqaalaha Ruushka – iyo iyaga kooda laftiisa.

“Cunaqabatayntu waxay u muuqataa seef laba af leh,” ayuu yiri, “kor u kaca sicirka iyo hoos u dhaca dakhliga ayaa lagu arkayaa dalal badan oo Yurub ah, iyo sidoo kale tamar yaraan iyo khataraha kacdoon bulsho.”

“Faa’iidooyinka joogtada ah ee ilbaxnimadu waxay noqotaa mudnaan ay helaan kuwa hodanka ah. Tani waa qiimaha ay muwaadiniinta caadiga ihi ku bixiyaan siyaasadda ka soo horjeeda Ruushka ee ka imanaysa madaxda xukunka haysa,” ayuu ku dooday.

“Tamarta Ruushka ee la goyn karo ayaa u sahashey wershadaha EU inay la tartamaan shirkadaha Maraykanka, laakiin “waxay u egtahay in tani aysan sii jiri doonin mar dambe, mana aha wax ku yimid doorashadayadeenna,” ayuu Lavrov u sheegay Newsweek.

“Haddii dadka reer Galbeedka ay rabaan inay u dhaqmaan qaab wax u dhimaya danahooda, kama celin karno inay sidaas sameeyaan.” Ayuu daba dhigay.

“Kaddib markii ay reer Galbeedku wax tobannaan sano lagu dhisay ay ku burburiyeen 2 todobaad, “Uma maleynayo in mustaqbalka dhow la arki karo inay awoodi doonaan inay soo celiyaan kalsoonidii ganacsi ee luntay jaal la isku hallayn karo ahaan,” ayuu yiri Lavrov.

Hadalsame Media