Maxaa kala qabsaday MW hore ee Hirshabeelle & Carmaan oo iskula dhacay dagaalka Macawisleey & Al Shabaab?!

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2022 – Abuukar Carmaan oo ah nin wax ka qora arrimaha Somalia, ayaa Twitter soo dhigay dhowr qoraal oo ay ku jirto mareeg uu uga hadlayo dagaalka Al Shabaab iyo Macawisleey, isagoo duraya dagaalka Macawisleeyda iyo weerar dhanka cirka ah oo uu Maraykanku ku qaaday labadaba.

Carmaan oo aan sidaa oo kale farriimo is xig xiga uga samaynin arrinta ku saabsan shacabka ay Shabaabku laayeen, ayaa waxaa u jawaabey MW hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

Waare oo Carmaan ku tuhmaya inuu yahay ”raalligeliye” Al Shabaab, ayaa u sheegay inuusan ”xaq u lahayn” inuu cidna ka wacdiyo arrinta ku saabsan Macawisleey iyo Al Shabaab, isagoo ku raaxaysanaya Starbucks-ka Maraykanka, sida uu yiri.

”Raalligelintaada Shabaabka adigu hayso ee ka leexo geesiyeyaasha gabdho iyo wiilalba leh ee Ciidamada Xoogga iyo Shacabka Hiiraan.” ayuu Waare u jeediyey Carmaan.

Yeelkeede, Waare ayaa markii dambe farriin kale oo uu soo dhigay isla Twitter-ka ku sheegay in Carmaan uu baloogay. ”Aaway geesinnimada ra’yigaagii xoogganaa?!” ayuu waydiiyey isagoo ku doodaya inuusan tebi doonin.

Hadalsame Media