Dalka Ingiriiska oo tamar yaraanta jirta awgeed dib u fasaxay in la qodo gaas DHULGARIIR sababaya

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2022 – Britain ayaa qaaday xannibaad ay horay u saartay baarista gaaska laga soo saaro lakabyada dhulka, iyadoo ay ugu wacan tahay baahida sii kordhaysa ee tamarta dalkaasi.

Isagoo ku dhawaaqaya joojinta mamnuucidaasi, Xoghayaha Ganacsiga iyo Tamarta UK, Jacob Rees-Mogg, ayaa wuxuu sheegay in “xoojinta amniga tamarta UK ay tahay mudnaan buuxda”

Jebinta, ama ka soo saarista gaaska ee gudaha lakabyada dhagxaanta iyadoo la qarxinayo, ayaa waa la mamnuucay sanadkii 2019-kii walaac laga qabo inay dhulgariir keeni karto dartii.

In ka badan 120 gariir ayaa dalkaa laga diiwaangeliyey sanadkaas goob gaaska laga baaro oo ku taal Lancashire, in kasta oo intooda badan ay aad daciif u ahaayeen oo aan aad loo dareemi karin.

Ha yeeshee, gariirkii ugu waynaa ee ka dhashay gaaska noocan loo qodo (shale gas), wuxuu cabirkiisu gaarey 2.3, wuxuuna ka dhacay Blackpool 2011-kii, halkaas oo dadka degaanku ay sheegeen inay xitaa soo tooseen habeenkii.

Ra’iisal Wasaare Liz Truss ayaa sheegtay horraantii bishan in gaaska lakab-jebinta lagu soo saaro dib looga fasixi doono meelaha ay  bulshada degaanku arrintaa ogolaadaan.

Qaadista xayiraadda ayaa timid kaddib markii Hay’adda Sahanka Juquraafiga ee Ingiriisku (BGS) ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in maadaama aan weli UK aad looga samayn qodaalka noocan ah, ay ” weli caqabad tahay” in lasii qiyaaso saamaynta ay arrintani leedahay.

Qiimaha tamarta ayaa kor u kacay UK iyo Yurub inteeda kale tiiyoo ay jirto hoos u dhac wayn oo ku yimid qulqulka saadkii tamarta ee ka imanaysey Ruushka.

 

Hadalsame Media