”Abid xaalku sidii hore noqon maayo!” – Trump oo ka hadlay arrin ay FBI-du kula keceen ”qolkiisa jiifka iyo armaajooyinka xaaskiisa”

0

(Florida) 22 Sebt 2022 – Donald Trump, oo ah Madaxwaynihii 45-aad ee Maraykanka, ayaa ku andacoodey in Booliiska Federaalka ah ee FBI-du ay ku xad-gudbeen xuquuqdiisa dastuuriga ah, ayna dhibaato ka gaysteen hoyga uu ka deggan yahay Mar-a-Lago ee Florida.

Wakaaladdan oo hoos tagta Wasaaradda Cadaaladdu waxay baartay dhismaha Trump horraantii Agoosto iyada oo tillaabadooda lala xiriirinayo baaritaan ku saabsan sida Madaxwaynihii hore uu u maamulay dukumentiyada sirta ah ee dalkaasi oo uu qaar xaafaddiisa gaystey.

Fariimo xiriir ah oo uu dhigay baraha bulshada, Trump wuxuu ku eedeeyey wakiillada FBI inay ku xad-gudbeen xuquuqdiisa Xeerka Afraad ( Fourth Amendment), isaga oo intaa ku daray in gurigiisu “aysan weligii ahaan doonin sidii uu ahaan jirey” booqashadooda kaddib.

“Waa naloosoo dhacay’, waxaana gurigii laga dhigay xaalad aad uga duwan sidii aan uga tegey,” ayuu ku calaacalay.

Waxa uu sidoo kale xusay in wakiillada baaray hoygiisu ay “xataa diideen inay kabaha iska bixiyaan markii ay gelayeen qolkayga hurdada”, iyagoo ku talagal dokumentiyadii ugu daadiyey sagxadda, sida uu ku dooday.

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyey wakiillada FBI in ay isku dhex yaaciyeen qolka ay armaajooyinku u yaallaan xaaskiisa, Melania Trump, sidoo kalena ay baareen qolka wiilkiisa oo 16- jirka ah ee Barron.

Hadalsame Media