Ethiopian Airlines oo tillaabo ka qaadday duuliyeyaashii seexday iyagoo duulaya (Dalalka ay u dhasheen?)

0

(Addis Ababa) 22 Sebt 2022 – Kabtankii diyraadda Ethiopian Airlines ee 15-kii Agoosto isaga iyo kaaliye-duuliyihii la socdey ay seexdeen iyadoo ay diyaaraddu saaran tahay duuliye otomaatig ah, xilli ay ka soo ambabaxeen magaalada Khartuum ee dalka Suudaan kuna sii jeedeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa is casiley.

Bixitaankiisu waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay dhacday in diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737-800 ay dulmartay garoonkii ay ku socotey ee Addis Ababa Bole International Airport iyada oo joogtaynaysa jooggii saxda ahaa.

Kabtanka la cayriyey waxa uu u dhashay dalka Bolivia, waxaanu muddo ka badan 4 sano la shaqaynayey shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya. Sarkaalkii xigey ayaa isna ahaa duuliye dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Nigeria oo sanadkii hore uun ku soo biiray diyaaradda kaddib markii uu ka qalin jebiyay Akademiyaha Duullimaadka ee Ethiopian Airlines.

Dhacdadaas kaddib, Maamulka Ethiopian Airlines ayaa shaqada ka joojiyey labada duuliye, sida lagu dhawaaqay 20-kii Agoosto, iyadoo isla xilligaasna ay baaris bilowday Hay’adda Duullimaadka Rayidka ah ee CAA oo kaashanaysa Ethiopian Aircraft Accident Investigation Bureau, sida uu xubin ka tirsani u sheegay AIN.

Sida ay wax u dheceen. Digniin ayaa la soo saaray markii duullimaadkii ET343 uu ku soo dhawaadey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa, balse dayuuraddu ma aysan bilaabin inay kasoo hoobato jooggii sare ee ay shabaaxaysey, taasoo keentay walaac.

Kaddib markii ay diyaaraddu seegtay soo degistii, Maamulka Hawada CAA ayaa isku dayey in ay la xiriiraan shaqaalaha diyaarada halka nidaamka duuliyaha otomaatigga ah ee diyaaraddu uu sii waday in ay ku socoto joog sare oo ah 37,000 cagood, sida ay sheegtay The Independent.

Markii ay diyaaraddu dulmartay dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan, ayaa waxaa is jaray duuliyaha diyaaradda ee otomaatigga ah, waxaana la maqlay qaylodhaan iyo dawan taasoo la sheegay inay soo kicisay duuliyeyaashii ay soo jeedisey shaqaalihii diyaaradda.

Kaddib duuliyeyaashii diyaaraddu way soo dejiyeen diyaaradda iyadoo daahsan 25 daqiiqo.

Sida laga soo xigtey xogta xakamaynta taraafikada hawada, diyaaraddu waxay sii wadday inay ku socoto 37,000 cagood kahor intaysan dhaafin dhabbaha ay diyaaraduhu ka duulaan, taasoo tuhun gelisey iyaga.

Hadalsame Media

Facebook Comments