“Waxaan toos ugu hanjabey MW Shiinaha!” – MW Maraykanka oo kashifay wada hadal dhexmaray isaga & Xi Jinping (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa sheegay inuu isku dayay inuu Shiinaha cadaadiyo kahor bilowga khilaafka Ruushka iyo Ukraine, isagoo uga digey Madaxwayne Xi Jinping inay tahay “khalad wayn” inuu iska indhatiro cunaqabataynta ka dhanka ah Moscow ee reer Galbeedka.

“Waxaan ku iri haddii aad u malaynayso in Maraykanka iyo dalalka kale ay sii wadi doonaan maalgashiga Shiinaha iyada oo jebinaysa cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka, waxaan u maleynayaa inaad samaynayso khalad aad u wayn, laakiin taasi waa go’aankaaga,” ayuu Biden ku yiri waraysi uu siiyey CBS News oo la sii daayey habeenkii Axaddii.

Biden wuxuu soo saaray digniintan markii uu wacay Xi bishii bishii Maarso, toddobaadyo kaddib markii hogaamiyaha Shiinuhu uu kula kulmay Putin oo uu shir-doceed kula yeeshay Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Febraayo 8 ka dhacayey Beijing.

Waxa uu ku andacoodey in uusan ku talo jirin in uu u hanjabo Shiinaha; taa bedelkeeda, wuxuu rabey inuu uga digo Xi qiimaha culus ee ay Beijing ku bixin doonto ku xadgudubka cunaqabataynta.

Mar la waydiiyey bal in xiriirka diirran ee u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushku uu muujin karo “dagaal cusub oo qabow oo ka adag midkii Soofiyeetka,” Biden wuu diiday fikraddaasi. Waxa uuna soo jeediyey in Beijing ay dhegaysatey digniintiisa, ugu yaraan qayb ahaan.

“Ilaa hadda, ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya inay daabuleen hub ama waxyaabo kale oo muhim oo uu Ruushku doonayo, markaa haa, si fiican, laga yaabee inaanan kale taa ku darin.” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Washington iyo Beijing waxay marar badan iskula dhaceen dagaalka Ukraine.

Tusaale, Shiinuhu wuxuu noqday iibsadaha ugu wayn ee saliidda Ruushka intii lagu jirey dagaalka, saraakiisha Shiinuhuna waxay soo jeediyeen in Maraykanka iyo NATO ay iyaguna kiciyeen xiisadda iyo dagaalka Ukraine iyaga oo ballaarinaya isbahaysigooda millateri oo ay geeyeen albaabka Moscow.

Hadalsame Media