”Bog cusub ayay noo furaysaa” – Wada shaqayn yaab leh oo dhexmartay Maraykanka iyo Daalibaan (Maxaa shalay dhacay?)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la sii daayey Mark Frerichs, oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Maraykanka, kaasoo lagu waayey Kabul sanadkii 2020-kii, isagoo u shaqeynayey qandaraasle rayida ahaan.

Dhinaca kale, xukuumadda Daalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa ka warbixisay dib u soo laabashada Xaaji Bashiir Nuurzaay, oo 17 sano ku qaatay xabsiyada Maraykanka, kaddib markii lagu eedeeyey ka ganacsiga daroogada Heroin-ta.

“Maanta, waxaan xaqiijinnay sii daynta Mark Frerichs, dhowaana wuxuu kusoo noqon doonaa gurigiisa,” Biden ayaa ku yiri bayaan uu sii daayay Aqalka Cad. Wuxuu u mahadceliyey “shaqaalaha dowladiisa iyo dowladaha kale ee ay iskaashiga leeyihiin ee wax badan u huran arrintan” kaddib sanado shaqo oo aan laga daalin” si loo sii daayo Frerichs, oo ku jirey afduubka Daalibaan tan iyo Janaayo 2020-kii.

Biden ma uusan xusin sii daynta Noorzai, balse kaliya wuxuu xusan in wada xaajoodka siidaynta Frerichs “ay u baahnayd go’aamo adag, oo uusan u qaadan si fudud” ayuu sheegay.

Dhanka kale, Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Daalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa ku dhawaaqay in Frerichs iyo Noorzai lagu kala bedeshey Garoonka Caalamiga ah ee Kabul.

“Waxaan soo dhawaynaynaa sii daynta Xaaji Bashiir, oo u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasoo 17 sano na ku sugnaa Maraykanka,” Muttaqi ayaa sidaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo intaas ku daray in tani ay “bog cusub u furi doonto xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afgaanistaan.”

Daalibaan ayaa waxay mamnuucday beerashada daroogada laga soo saaro heroin-ka – ka hor duullaankii Maraykanka ee 2001, iyagoo markale taa dib u dhaqangeliyey kadib markii ay dib u hanteen awooda sanadkii hore.

Hadalsame Media