Dal Muslim ah oo lagu khasbay inuu joojiyo macaamil uu la lahaa Ruushka (Dalka u gooddiyey?)

0

(Hadalsame) 20 Sebt 2022 – Dal horay u ogolaa qaabka lacag bixinta Ruushanka ayaa haatan diidey. Bankiyada Isbank iyo Denizbank ee Turkiga ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay joojiyeen adeegsiga nidaamka lacag bixinta Mir ee Ruushka kaddib digniin kaga timid Washington oo ah in hay’adahan maaliyadeed ay halis ugu jiraan cunaqabatayn labaad haddii ay ka caawiyaan Moscow inay ka dabaalato ciqaabaha Maraykanka.

Bangiyadan ayaa go’aankooda u xaqiijiyey Sakaaladda Wararka ee Ruushka ee RIA Novosti.

Isbank ayaa sidoo kale u sharraxay Bloomberg in go’aankeedu uu daba socdo bayaankii Maaliyadda Maraykanka ee arrintan kasoo baxay.

Toddobaadkii hore, Xafiiska Hantidhowrka Maraykanka ee Xakamaynta Hantida Dibedda (OFAC) ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay cunaqabatayn ku soo rogaan hay’ad kasta oo ka baxsan Ruushka ee adeegsata nidaamka lacag bixinta ee waddanka Ruushka.

Mar sii dambaysey, ilo ayaa u sheegay warqaadka Financial Times ujeeddada Maraykanka iyo EU ee ah in cadaadis la saaro bangiyada Turkiga, si looga hortago inay ka caawiyaan Moscow “ka gudubka cunaqabateynta.”

Bangiyada Turkiga ayaa ku biiray shabakadda lacag bixinta ee Ruushka ee Mir horraantii Agoosto, taasoo u ogolaatay dalxiisayaasha Ruushka inay lacagta ku bixiyaan hannaankan maaliyadeed ee gudaha dalkooda.

Hadalsame Media