Sababta uu Boqorka Britain u qaatay magaca Charles III & Taariikhda xun ee labadii Charles ee kale

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2022 – Boqorka cusub ee Ingiriisku waxa uu la baxay Charles III. Inkasta oo Charles magaciisa saxda ah yahay haddana labada nin ee magaca Charles la wadaagaa ma ahayn rag raad fiican Ingiriiska uga tagay.

Kan koowaad 1649 ayaa qoorta laga jaray ka dib markii Baarlamaanka Ingiriisku uga adkaaday dagaal sokeeye oo boqorka iyo Baarlamaanka ka dhex’oognaa muddo dheer.

Dagaalku waxa uu ka bilowday markii Boqor Charles adeegsaday awood uusan xeerku siinnin uu na soo rogay canshuur uusan Baarlamaanka marin. Qoorgayntiisu waxa ay soo afjartay awooddii fulineed ee qoyska boqortooya Ingiriiska.

Kan labaad oo ahaa wiilkii uu dhalay kan hore ee la dilay waxaa xukunka lagu soo celiyay dhawr iyo toban sannadood dilkii aabbihiis kaddib, waxa uu na dhintay asaga oo dhawr iyo toban carruur ah meher la’aan ku dhalay, sidaas darteed carruurtiisi xukunka kama dhaxlin maadaama aan xeerku oggolayn cunug wacal ahi in uu boqor noqdo.

W; D: Cali M Diini

Hadalsame Media