Hal arrin oo culimada hadda joogta looga gar leeyahay & mid ay caamadu ku gardaran tahay

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2022 – Culimadu (diini iyo maaddiba) waa hoggaanka iyo indheergaradka bulshada haga ee wacyigeeda qaabeeya. Mid walba waxaa waajib ka saaran yahay inuu bulshada wax ugu qabto wixii uu bartay. Caalimka fiqhiga iyo caalimka caafimaadkaba masuuliyad baa saaran. Haddii ay ka gaabiyaanna bulshada ayay ka go’an tahay.

Wixii diin ah waxaa loo dabo fadhiyaa culimada aqoonteeda leh. Wixii caafimaad ah iyo badqabka jidhkana waxaa masuul ka ah culimada caafimaadka. Wixii dhaqaale iyo kobcintii ku saabsanna culimada dhaqaalaha.

Imaam Shaafici waa kii lahaa: Ha degin meel aan lahayn caalim kaaga fatwooda diinta, iyo dabiib kaaga warrama xaaladda jidhkaaga.

لا تسكن بلدا لا يكون فيه عالم يفتيك عن دينك، ولا طبيب ينبئك عن أمر بدنك

Soomaali dhibaatada haysata waxaa qayb weyn ka ah in waxgaradkii aysan kaalintoodi u buuxin sidii laga rabay. Wacyigalintii iyo waxbariddii looga fadhiyay in badan ayaa maqan.

Laakiin, waa sunne kawni ah inaan meeshaasi bannaan ahaane cid kale buuxiso. Haddii indheergaradkii afka xidho, cidda hadlaysaa waa maangaabkii. Haddii waxgaradkii aamuso, yaa bulshada ku jihaynaya wanaagga iyo sida qumman?

Bulsho dhan kasta dab kaga shidan yahay oo tiih ku jirta, jihadiina ka wareertay, ayaa dhankiinna soo eegaysa, in dhowaydna hungo ayay indhihii idiin ka laabanaysaa.

‘Waxaa horaan uga hadlay’ qiil ma aha. Maantana mid kalaa taagan. Haddaad abaar ka hadashay, maantana mid kalaa taagan. Haddaad Shabaabka ka hadashay, maanta way taagan tahay. Cidi kuma qasbine adigaa xil qaaday oo bulshada soo hor istaagay.

Naqaysiga mawduucyada ka hadalka “mudan” waxa uu dhaliyay in aan warkiinni sidii hore loo danayn oo ay saamayntiinni aad u wiiqanto, waaba haddii aysan dad badan ka suulin e.

‘Sheekh Umaloow maxaad ku kala dooratay shacabka Hiiraan lagu xasuuqay ee ceelashii iyo cuntadii laga gubay iyo wasiiradda surwaalka xidhatay’ — waa su’aal gar ah.

Labadaba in laga hadlaa waa waajib. In si joogto ah looga hadlo xaaladaha bulshadu waa waajib. Waa sababta toddobaadkii hal maalin loo jideeyay khudbad maalinta Jimcaha.

Nebigu ﷺ khudbadda Jimcaha wuxuu u adeegsan jiray waaninta, wacyigalinta, iyo kala warqaadashadaba. Waa jihayntii toddobaadka soo socda lagu hawlgali lahaa.

Waxaan xusuusan nahay in Nebiga ﷺ oo khudbaddii Jimcaha ku jira uu nin masjidka soo galay oo uu yidhi: Rasuulkii Allow xoolihii dhammaade, jidadkiina go’e ee Alle noo bari roob ha noo di’iyee.

Nebigu ﷺ ma odhan war khudbad muhiimaan wadaaye arrintaa ii kaadi. Tan ayaaba taagan. Khudbaddii ayuu Nebigu ﷺ u beddelay roobdoon. Gacmuhuu kor u qaaday wuxuuna galay duco dheer.

In yar ka dibba roob baa isqabsaday, lix maalmoodna qorraxba lama arkin.

Jimcihii xigay ayaa sidii oo kale dhacday: Rasuulkii Allow xoolihii dhammaade jidadkiina go’e ee Alle noo bari inuu roobka naga joojiyo! Nebigu ﷺ ma odhan soo idinkii roobka rabay war aamus khudbadda ha qasin e. Xaalad wax ka qabasho u baahan baa taagan.

Markaas ayuu Nebigu ﷺ gacmaha u taagay duco: Allow hareeraha iyo xoolo-daaqeenka….

Culimooy inta ay goori goor tahay sidan wax ka beddela, oo waajibkii Alle idin saaray yaan la idiin sheegine idinku ceelalyo noo ahaada. Yaan la idin jiidine na hoggaamiya.

إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُن فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ
———
أنَّ رَجُلًا دَخَلَ يَومَ الجُمُعَةِ مِن بَابٍ كانَ وِجَاهَ المِنْبَرِ، ورَسولُ اللَّهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ قَائِمٌ يَخْطُبُ، فَاسْتَقْبَلَ رَسولَ اللَّهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ قَائِمًا، فَقالَ: يا رَسولَ اللَّهِ، هَلَكَتِ المَوَاشِي، وانْقَطَعَتِ السُّبُلُ، فَادْعُ اللَّهَ يُغِيثُنَا، قالَ: فَرَفَعَ رَسولُ اللَّهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ يَدَيْهِ، فَقالَ: اللَّهُمَّ اسْقِنَا، اللَّهُمَّ اسْقِنَا، اللَّهُمَّ اسْقِنَا. قالَ أنَسُ: ولَا واللَّهِ ما نَرَى في السَّمَاءِ مِن سَحَابٍ، ولَا قَزَعَةً، ولَا شيئًا، وما بيْنَنَا وبيْنَ سَلْعٍ مِن بَيْتٍ، ولَا دَارٍ. قالَ: فَطَلَعَتْ مِن ورَائِهِ سَحَابَةٌ مِثْلُ التُّرْسِ، فَلَمَّا تَوَسَّطَتِ السَّمَاءَ، انْتَشَرَتْ ثُمَّ أمْطَرَتْ، قالَ: واللَّهِ ما رَأَيْنَا الشَّمْسَ سِتًّا، ثُمَّ دَخَلَ رَجُلٌ مِن ذلكَ البَابِ في الجُمُعَةِ المُقْبِلَةِ، ورَسولُ اللَّهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ قَائِمٌ يَخْطُبُ، فَاسْتَقْبَلَهُ قَائِمًا، فَقالَ: يا رَسولَ اللَّهِ، هَلَكَتِ الأمْوَالُ وانْقَطَعَتِ السُّبُلُ، فَادْعُ اللَّهَ يُمْسِكْهَا، قالَ: فَرَفَعَ رَسولُ اللَّهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ يَدَيْهِ، ثُمَّ قالَ: اللَّهُمَّ حَوَالَيْنَا، ولَا عَلَيْنَا، اللَّهُمَّ علَى الآكَامِ والجِبَالِ، والآجَامِ والظِّرَابِ، والأوْدِيَةِ ومَنَابِتِ الشَّجَرِ. قالَ: فَانْقَطَعَتْ، وخَرَجْنَا نَمْشِي في الشَّمْسِ. قالَ شَرِيكٌ: فَسَأَلْتُ أنَسَ بنَ مَالِكٍ: أهو الرَّجُلُ الأوَّلُ؟ قالَ: لا أدْرِي.

W; D: Maxamed Yuusuf

Hadalsame Media