Maraykanka oo ku dhaqaaqay arrin aan 40 sano dhicin oo ku saabsan Taiwan (Waxa ka dhalan kara?)

0

(Washington, DC) 17 Sebt 2022 – Hindise sharciyeed Taiwan u hibayn doona $4.5 bilyan oo Doollar oo hubka Maraykanka ah oo loogu talagalay kor u qaadista is difaacidda Taipei, ayaa waxaa fasaxay Guddiga Xiriirka Dibedda ee Senet-ka Maraykanka oo ku meel mariyet codayn 17-5 ah.

Xeerka siyaasadda Taiwan ama Taiwan Policy Act ayaa imaanaya kaddib toddobaadyo ay cirka isku sii shareereysey xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Beijing taaaoo ka bilaabatay booqashadii Taiwan ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Nancy Pelosi.

“Sharcigan ayaa ay ujeedadiisu tahay “in lagu xoojiyo siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Taiwan si loo ilaaliyo xasilloonida marin-biyoodka Taiwan,” ayuu yiri Senater Bob Menendez, oo ah Dimoqraadi metela New Jersey oo ahna Guddoomiyaha Guddiga, isagoo ku eedeeyay Shiinaha “olole lagu wiiqayo xaaladda taagan.”

“Waa dib-u-habayntii ugu ballaarnayd ee siyaasadda Maraykanka-Taiwan in ka badan afartan sano,” sida Politico uu ku sharraxay arrintan, waxayna oggolaan doontaa $ 4.5 bilyan “caawin millateri oo toosa ah” oo la siinayo Taipei iyo “xoojinta madax-bannaanida Taiwan” iyadoo lagu dhiirrigelinayo xubinnimadeeda caalamiga ah.

Menendez iyo nin xeerkan la wadey oo ah ninka South Carolina metela ee Lindsey Graham, ayaa ku adkaystay in tani aysan ka hor imanayn siyaasadda rasmiga ah ee Maraykanka ee ‘Hal Shiine’.

Ujeedada tillaabadan ayaa ah in awoodda Taiwan la gaarsiiyo heer uu Shiinuhu 2 jeer ka fikiro inuu weerar ku qaado.

Hadalsame Media