KOROR BADAN: Dal Muslim ah oo ku khasbanaaday inuu wadiiqo cusub adeegsado si uu ubaxyo ugu dhoofiyo UK geerida Boqoradda darteed + Sawirro

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2022 – Beeralayda dalka Turkiga ayaa u jeestey dhanka inay dayuurado xamuul ah adeegsadaan si ay awood ugu yeeshaan inay si deg deg ah u daboolaan baahida ubaxa ay u dhoofinayaan UK si loogu isticmaalo baroor-diiqda iyo aaska Boqorada Britain ee Queen Elizabeth II.

Baahida loo qabo in ubaxan loo isticmaalo baroor-diiqda iyo aaska qaran ee boqoraddii 96-jirka ahayd ayaa cirka isku shareertay ilaa 90%, sida ay sheegeen beeralayda ka soo jeeda gobolka koonfurta Antalya ee Turkiga iyo midka koonfurta-galbeed ee Isparta oo ilaa haatan dhowr milyan halkaa u diray.

They say shipments for at least 1.5 million flowers had started and firms have been forced to opt for air cargo, instead of traditional land freighters, to meet the orders that have prompted daily working hours to be increased and companies to hire extra workers.

Waxay sheegeen in shixnad dhan ugu yaraan 1.5 milyan oo ubax ah lagu khasbanaaday in lagu daabulo dhanka hawada, halkii la saari lahaa qaboojiyeyaasha dhulka mara, si loo qaabilo baahida korodhay ee jirta.

Naxashka Boqoradda Elizabeth ayaa safar lix saacadood qaatay ka soo bilaabay gurigeeda xagaaga ee dhulka sare ee Scottish Highlands ilaa Edinburgh Axaddii hore iyadoo kumannaan qof ay jidka u istaageen si ay u maamuusaan naxashka boqoradda.

Boqoraddii ugu xukunka dheerayd Britain oo ay qabsatay 70 sano kahor, Elizabeth ayaa la sheegay inay si nabdoon u geeriyootey horraantii bishan, iyadoo berri oo ah 19-ka Sebtembar lagu aasi doono London.

Hadalsame Media