Dalkii 2-aad oo Ukraine deris la ah oo ay kasoo yeertey inuu doonayo qayb ka tirsan dalkaasi (Imisa dal ayay Ukraine dhul ka haysataa?)

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2022 – Safaaradda Ukraine ee Romania ayaa ku eedaysay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Andrei Marga, inuu wiiqayo “mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah”, kaddib markii uu ku andacoodey in xudduudaha Ukraine ee casriga ihi ay yihiin “kuwo aan dabiici ahayn”, wuxuuna soo jeediyey in Kiev ay qaybo ka mid ah dhulkeeda dib ugu celiso dowladaha dariska ah.

Safaaraddu waxay ka dhawaajisay inay “ka xun tahay” in sarkaal hore oo sare oo “dowlad dimoqraadi ah oo Yurub ah ka tirsani” uu sheego hadal aan kaliya ahayn “mid aan la aqbali karin duruuf kasta,” gaar ahaan xilli Ukraine ay si geesinimo leh u difaacayso madax-bannaanida iyo amniga Yurub” sida ay ku doodeen.

Diblamaasigii hore ee Romania ayaa hadalkan muranka dhaliyey horraantii sabtigii shalay ka sheegay bandhigga buugaagta Alba Transylvania, halkaas oo uu ku soo bandhigay buuggiisa cusub ee ‘The Fate of Democracy’ oo uu kusoo jeediyey in quwadaha adduunka hogaaminayaa ay isu yimaadaan oo ay ku heshiiyaan “qaab-dhismeedka amniga” cusub ee Yurub iyo caalamka oo dhan.

“Waxaan ku jirnaa xaalad aad u gaar ah xilligan. Ukraine waxay ku dhex jirtaa xuduudo aan dabiici ahayn. Waa in ay Transcarpathia ku wareejisaa Hungary, Galicia u celisaa Poland, Bukovina siisaa Romania, Donbass iyo Crimean waxaa leh Ruushka. Waa dhulal ay leeyihiin dalal kale.” ayuu yiri, isagoo taxaya gobolladii ay shuuciyadu ku biiriyeen Ukraine xilligii Soviet-ka, balse uu u arko inay tahay in dib loogu celiyo dalalkii laga qaatay.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay dalalka deriska ihi ay muujiyaan damac ku aaddan in Ukraine laga soo celiyo dhulalkii uu Ruushku uga qaaday dalalka deriska ah kaddib dhammaadkii Dagaalkii 2-aad ee Yurub.

Hadalsame Media