SAWIRRO: Dal Muslim ah oo ka maarmay agab uu ka iibsan jirey dal reer Galbeed ah (Dal kale oo Muslim ah oo durba soo dalbaday)

0

(Hadalsame) 18 Sebt 2022 – Waxaa dunida ka soconaya hardan ku aaddan dhanka tiknolojiyadda hubka waxaana hardaa ka qaybqaadanaya dalal yar oo Muslim ah marka dhanka farsamada laga hadlo.

Haddaba, Turkigu wuxuu xalliyey dhibaato ka haysatey samaynta matoorka gantaalka Kuruuska ah oo uu kasoo iibsan jirey Faransiiska oo samaysa nooca TR40.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Kale Arge ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa soo saartay matoor nooca Turbojet-ka ah oo la yiraahdo KTJ-3200, kaasoo islamarkiiba bedeli doona midka Faransiiska ee lagu xiro gantaalka SOM Cruise.

Isticmaalka matoorka Faransiiska ee agabka ciidamada qalabka sida ee Turkiga dhib iskeed uma ahayn. Yeelkeede, dhibaatadu waxay ahayd khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Faransiiska iyo Turkiga, kaas oo u diiday Ankara inay dibedda u dhoofiso gantaalka ay iyadu soo saartay ee SOM Cruise kaddib markii uu diidey Faransiiska oo matoorka u sameeya.

Maadaama haatan caqabaddan horraanba laga gudbey wixii haatan ka dambeeya, Azerbaijan, oo ah dal kale oo Muslim ah gantaalkanna muddo dheer saf ugu jirtey ayaa noqon doona macmiilka ugu horreeya ee iibsada kuruuska SOM, iyadoo awoodi doonta inay hesho intii ay doonayso oo ay iluhu ku sheegayaan ilaa 400 oo xabbo oo loo daabuli karo wixii loo gaaro 2023.

Kuruuska SOM ayaa horumarintiisa la bilaabay 2006, wuxuuna leeyahay dhowr nooc iyo muuqaal, iyadoo uu madaxiisu uu cuf ahaan yahay 230 KG, guud ahaanna waa 600 KG, halka dhererkiisu uu yahay 4 mitir, tiiradiisuna ay tahay 250 KM.

Ilaha Turkiga ayaa sheegaya in shirkadda Roketsan oo ah shirkadda samaysa gantaalkan ay hadda ka shaqaynayso diyaarinta noocyo kala duwan, sida SOM-B2, SOM-C1, SOM-C2, iyo SOM-J.

Hadalsame Media