“Wax kasta XAD ayay leeyihiin” – MW Xasan Sh oo sheegay arrin aan laga aqbali doonin Somaliland (Daawo)

0

(Washington, DC) 17 Sebt 2022 – MW Somalia ayaa haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka gaar ahaan Washington DC oo uu kula kulmay Waaxda Gaashaandhigga dalkaasi.

Md Maxamuud ayaa sidoo kale la kulmay jaalliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan caasimadda Maraykanka.

“Annagu muruqa DF uma adeegsanayno Somaliland, balse wax kasta xad ayay leeyihiin. MARNA GOONI-ISU-TAAGGA SOMALILAND MA OGGOLIN.” ayuu hoosta ka xarriiqay Madaxwaynaha Soomaaliya oo hadal u jeediyay Soomaalida ku nool Washington iyo nawaaxigeeda.

MW Somalia ayaa sheegay in aysan marnaba gorgortan ka geli doonin midnimada Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in wixii gargaar iyo horumarin ah uu ogol yahay.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media