ISKA JIR! Facebook oo bilaabay inuu sheekooyinka dadka isticmaala uu hoos uga diro FBI-da (Dalka ugu daran)

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2022 – Facebook ayaa la sheegay inay waaxda argagixisada gudaha ee FBI-da ku wargaliso dadka isticmaala aaladdiisa weliba wax aan ka badnayn dareenno diidmo ama mucaaradad ah, sida lagu qoray New York Post, iyada oo soo xiganaysa ilo-wareedyo Waaxda Caddaaladda (DOJ).

“Facebook waxa ay FBI-da u gudbisaa wada-hadallada gaarka ah ee uu qofka xaq u siinayo xeerka First Amendment iyada oo aan wax fasax ah haysan,” sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, iyaga oo sharraxaya in arrintan la sameeyo “iyadoo ka baxsan nidaamka sharciga ah islamarkaana aysan jirin sabab macquul ah.”

Kaliya muujinta walaac ku saabsan sharcinnimada natiijadii doorashadii Maraykanka ee 2020 ayaa ku filan in isticmaalayaasha la calaamadiyo kaddibna la gudbiyo xogtiisa, ayay yiraahdeen ilahani.

Qaybo ka mid ah fariimahaas, oo inta badan muujinaya “faallooyin si gaar ah loo calaameeyey oo laakiin aan waafaqsanayn macnaha guud ee uu qofku ula jeedey,” ayuu Facebook u gudbiyey xafiisyada FBI-da si ay u dabagalaan.

Marka ay xogtan helaan FBI-du, xafiisyada maxalliga ahi waxay barwo maxkamadeed ka codsan karaan xafiiska qarreenka Maraykanka oo ay wada shaqayn la leeyihiin si ay si sharci ah u helaan farriimaha gaarka ah ee ay horeba Facebook u tuseen si ka baxsan nidaamka sharciga ah, ilo wareedka ayaa wargayska u sheegay.

Mid ka mid ah baaritaanadii FBI-da ee xigey ayaanse lagu helin wax fal dembiyeed ama rabshad ah. “Waxay ahayd waqti lumis.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan FBI-du.

Facebook ayay tahay inuu ilaaliyo gaarnimada xogaha qofka.

Hadalsame Media