Maxaan kala dhex bixi karnaa doodda iminka holcaysa ee ku saabsan surwaalka Wasiir Khadiijo?!

0

(Hadalsame) 17 Sebt 2022 – Sarwaalkii Maama Khadiija. Maanta ummadda Soimaaliyeed dowlad buuxda oo dalkooda, diintooda iyo dhaqankood ilaalisa dadka dayacana daryeel u samaysa gacan laguma hayo.

Dadka jooga gudaha waxay la daala dhici abaar iyo colaad aan dhamaad lahayn.
maalin walba dhiig Soomaaliyeed ayaa daadan oo waliba fikir qaloocsan oo muslim sheegan ayaa daadin.

Maalin walba dad Slomaaliyeed ayaa dayac iyo duruufo adag wajihi oo daalka ka muuqada aan u jeednaa. Maalin walba da’yartii dalka joogtey oo dayac duruuf iyo waliba diin la’aani ka muuqato ayaan arkaynaa, oo darbi jiifku ku badan yahay.

Dibedda kuwa jooga xaalkoodu ma toosna oo dillalka iyo xabsiyadabu way ku badan yihiin, intaas waxaa dheer in dhaqan kale oo diin la’aan ah soo koradhay oo u bahan in umada intii aqoon leh katashato sidii loo wajihi laha fikirka ilxaadka ee diin la’aanta ah oo d’ayarteena duruus iyo aqoon durugsan u siin lahayn, ileen dunidan qof walba ayaa usoo fooftagay keensadayna badeecadiisa.

Maanta waxaa dunida ku soo batay dhaqamo xun xun oo horay ujirin una baahan in culimadu si cilmiyeeysan ula falgalaan.

Maama Khadiijo sarwaalkeedu wuxuu isoo xasuusiyay hadalkii sheekh Maxamed Qazaali RC ee ahaa hadii umadan yacnii Muslimka qaranigan u dhamaado iyaga oo ku mashquulsan marka lagu guda jiro Ataxiyaadka farta mala nuuxnuuxin karaa mise kor ayaa loo taagi, iyaga oo xoogooda saari iskuna dagaali garka jaristiisu waa xaaran iyo waa xalaal, iyo waliba iyaga oo ku mashquusan sarwaalka dheerayntiis iyo gaabintiisa oo aan isweydin hayaynin dunidan aan joogno wixii lagu soo kordhin laha iyo kaalintii Muslimku ka qaadan lahaa,
markaas ogoow umaddaasi way dhimatay.

Khadiija waa Muslim way tukataa way soontaa wayna sadaqaysataa. Maama Khadija waxaa laga raba in ay ilaaliso dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan ee umadeena, midkii hooyanimo iyo kii wasiirnimo.

Dhanka kale Maama Khadijo sarwaalkeedu dhib weyn kuma hayo soomalida ee xooga aan saaro waxyabaha badan ee dadkeena iyo dalkeena maanta dunida kareebay.

W; Q: Mohamed Maki

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media