3 arrimood oo NAXDIN leh oo lagu arko maydka qofka sigaarya-cabka ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 16 Sebt 2022 – Sigaarku wuxuu ka mid yahay jirrooyinka casriga ah ee isbitaallada laga soo iibsado, waxaana la isla qirsan yahay halistiisa iyadoo ay dalal badan khasab tahay in halistiisa lagu dul qoro si dadka looga digo cudurrada uu sido.

Haddaba, Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil ayaa sharraxaya 3 waxyaabood oo lagu arko maydka qofka sigaarya-cabka ah kaddib marka uu dhinto, gaar ahaan xilliga mayritaanka oo ka mid ah shuruudaha la dhaqangeliyo aasitaanka maydka kahor.

1 – Horta marka uu dhinto ee ay naftu dayso qofka sigaarya-cabka ihi wuu gibil madoobaadaa oo qayirmaa isaga dhan. Madow aan ahayn midkii qurxoonaa ee dhaladka ahaa.

2 – Xabadka ayuu qofku ka bislaadaa oo marka gacanta la mariyo waxa uu qofku ku siganayaa inuu maqaarkiisu soo raaco sidii wax la harag siibayo. Waxaa malaha ugu wacan dabkii uu isku cugayey sanadaha badan.

3 – Waxaa qofka afkiisa iyo sankiisaba kasoo baxaya wax aad mooddo bagaaskii khasabka laga saarayey ama laami la kululeeyey oo aad u qarmuun badan.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media