Arrin murugo badan oo Muqdisho ka socota & dhibka ay mujtamaca u gaysan doonto (Daawo)

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2022 – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota arrin dhibaato wayn ku noqonaysa mujtamaca maadaama ay burburinayso jiilka soo koraya iyo anshaxooda, sida uu sheegay Dr Jalaaluddiin oo ka sheekeeyey qisada gabdhood oo da’yar oo 17 iyo 18 sano kala jira.

Gabdhahan oo daroogada ku talax tegey ayaa wada qaba inta badan cudurrada halista ah ee faafa sida AIDS, Hepatitis C iyo qaar kale, sidoo kalena aan guri lahayn oo dibjir ah, waloow markii isbitaalka la geeyey uu aabbihii yimid, sida uu sheegay Dhakhtarku.

Gabdhahan oo ay hooyadood dhimatay aabohoodna dayriyey ayaa ka mid ah dhallinyaro inta badan ku sugnaa agagaarka Xeebta Liido.

Gabadha sii yar isbitaalka ayay ku xijaabatey balse midda wayni intii ay isbitaalka ku haysey waxay sii waddatey howsheedii oo waxay isku durtay dawada ay daroogada Opium-ku ku jirto ee Petadine inta isbitaalka ka baxday, taasoo keentay in la toosin waayo.

Wuxuu dhakhtarku sheegay in maadaama ay kordhayso tirada dhallinyarada daroogada isticmaalaysa anshixii iyo diintiina laga sii fogaanayo ay taasi sidoo kale keentay natiijooyin taban oo cusub sida dhallinyarada is dilaysa marka ay daroogada ay cunayaan ay nolosha naar uga dhigto.

Arrintan ayaa u baahan baraarug bulsho, mid siyaasadeed iyo mid diineed si dhallinyaradan naftooda loo badbaadiyo bulshadana looga badbaadiyo.

Hadalsame Media