Siyaasi isaga oo dhaliil is leh amaan kala dul dhacay MW Somaliland ee Muuse Biixi (Daawo)

0

(Burco) 16 Sebt 2022 – Siyaasadda Somaliland ayaa haatan waxaa ka taagan is mari waa ka dhashay arrimo la xiriira samaynta xisbiyada cusub iyo qabashada doorashada tan la hormarinayo, iyadoo ay qoloba eeganayso sida ay iyada ugu badiso.

Faysal C Waraabe oo haysta xosbi UCID la yiraahdo oo uu sanado badan isagu wadwatey ayaa mar uu ka hadlayey meel lagu dhigayey munaasabad qalin-jebin ah wuxuu weerar ku qaaday MW Somaliland, Muuse Biixi.

Wuxuu sheegay in Muuse aanay shakhsiyan col u ahayn oo ay muddo dheer is yaqaanneen islamarkaana isla joogi jireen magaalada Baydhabo ee koonfurta Somalia, balse ay kaliya isku maandhaafsan yihiin sida loo wadayo Somaliland oo sheegata inay Somalia ka go’day -kii, tiiyoo aanu weli jirin dal taa ka hoos qaaday.

Ha yeeshee, Faysal ayaa Biixi ku dhaliilay arrin mudan in lagu amaano, taasoo ah in uusan qayilin, sidoo kalena Faysal laftiisa looga fadhiyey in aanu qayilaad ka dhiirrigelin meel ay joogaan arday qalin-jebinaysa, maadaama uu Qaadku yahay waxa Soomaalidaba qaaday, dadka mas’uuliyadda sheeganayana looga baahan yahay baraarug iyo warqab dhankaas ah.

”Waxa ka khaldaniba waa in aanu qayilin ee haddii uu qayili lahaa nin bulsho ayuu ahaan lahaa.” ayuu ku dooday Faysal, waloow in bulshay la noqdo aysan in la qayilo shardi u ahayn.

Si kastaba, dadka qayila ayaa inta badan bulshada dulsaar ku noqda iyagoo aan wax badan soo saarin maadaama uu Jaadku leeyahay 3 jiiro xayraan oo kala ah; mar la raadinayo, mar la raamsanayo iyo mar lala riimayo raadkiisii xumaa oo uu qofka raaska yaallo.

Waxaa intaa dheer, dhibaatada dhaqaale ee uu qofka iyo qaranka u leeyahay iyo bandhig xumada dhanka qoyska ee qofka Jaadka cuna haddii ay noqon lahayd u qaraab tegidda carruurtiisa iyo qancinta xaaskiisa.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media