Waddan Muslim ah oo Ukraine aad u caawiyey oo ka war helay tillaabo ka dhan ah oo uu dalkaasi wado

0

(Kyiv) 15 Sebt 2022 – Dalka Ukraine ayaa waxaa laga codsaday “sharraxaadda” wax ay warbaahinta Turkigu ku tilmaantay olole ku baaqaya in cunaqabatayn lagu soo rogo shirkadaha Turkiga, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Mevlut Cavusoglu.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa qaaday tillaabooyin ay faahfaahin ugu doonayaan xaaladda “labadaba dhinac ee Kiev iyo Ankara,” sida uu Wasiirka Arrimaha Dibeddu u sheegay suxufiyiinta.

Cavusoglu ayaa wuxuu xaqiijiyey in Turkigu uu ka warqabo olole ballaaran oo Ukraine aysan ku beegsanayn “shirkadaha Turkiga oo keliya,” laakiin in ka badan 18,000 oo qof iyo hay’ado ka kala socda oo jooga meelo kala duwan oo adduunka ah, kuwaasoo ay ku jiraan Maraykanka iyo EU, kuna wajahan xiriirka ay la leeyihiin Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, waa “shirkadaheenna kuwa na khuseeynaya,” ayuu raaciyey.

Faallooyinka Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa yimid hal maalin uun kaddib markii wargayska Turkiga ah ee Aydinlik uu dareenka kusoo jeediyey mareego sida muuqata “xiriir la leh Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine” kaas oo taxaya liiska shakhsiyaadka iyo hay’adaha  ay Kiev rabto in lagu cunaqabateeyo macaamil la sheegay in ay la leeyihiin Ruushka.

Dowladda Turkigu “waxay Ukraine ka codsatay caddayn” iyadoo maraysa Safiirka Ukraine u fadhiya Ankara iyo Dowladda Kiev Sebtembar 11, sida uu wargaysku sheegay.

“Iyadoo la tixgalinayo iskaashiga istiraatijiyadeed ee jira, hiillada iyo iskaashiga aan la leenahay Ukraine, waxaa la filayaa in shakhsiyaadka iyo ururrada Turkiga aan lagu bartilmaameedsan doonin cunaqabatayntan.” ayay Ilo diblomaasiyadeed oo Turkish ihi ay u sheegeen warqaadka Aydinlik.

Hadalsame Media