“Waa hub naadir ah oo aan u adeegsan doonno dagaalka mustaqbalka” – Maraykanka oo sameeyey dhoollatus yaab leh (Daawo)

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2022 – Ciidanka Maraykanka ayaa dhowaan sameeyey dhoollatus ay ku lug leeyihiin ‘raxan’ ka kooban 40 diyaaradood oo quadcopter ah oo ay ku rakiban yihiin kamarooyin, leysarro, iyo rasaas halis ah.

Xilli ay millateriga Ingiriisku ay sidoo kale tijaabinayaan xeelado la mid ah adeegsiga diyaaradahan raxanta ah ee aan duuliyaha lahayn, Pentagon-ka ayaa aaminsan in diyaaradahan aan qaaliga ahayn ay maamuli doonaan goobta dagaalka marka “dagaalka xigaa” uu qarxo.

Muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka, Sarreeye Guuto Curt Taylor oo ka tirsan Xarunta Tababarka Qaranka ee Ciidanka Xoogga Dalka ee saldhigta Fort Irwin ee California Axaddii ayaa muujinaya diyaarado aan duuliye lahayn oo u duulaya qaab wadareed gaar ah, kahor weerar loo ekeysiiyey meel ay difaacanayeen qaybta 11-aad ee Fardoolayda Gaashaaman.

Dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ayaa dul heehaabayey wax u muuqday meel loola jeedo magaalo, waxaana muuqaalkan la duubay intii iyadoo lagu guda jirey dhoollatus ay ka qaybqaadanayeen ku dhowaad ​​7,000 oo askari, sida uu Taylor ku sharraxay bartiisa Twitter-ka.

Hadalsame Media