SAWIRRO: Geed wax badan ka taraya dhiraynta Somalia & calafka xoolaha oo la gaynayo 100 magaalo oo dalka ah (Maxaa Soomaali lagu yiraahdaa halkeese laga keenay?)

0
Leucaena leucocephala or white leadtree or jumbay or river tamarind or subabul or white popinac green plant

(Hadalsame) 16 Sebt 2022 – Leucaenna leucocephala oo ah geedka sawirka aad ka aragtaan waa geed ka mid ah abuurka shanta nooc ee aan oogu talagalnay in aan gaarsiinno 100 magaalo.

Geedkan muddo labo sano iyo bar ah ayuu beerta ku jiraa waana geedka aan Ariga u jarno, markasto oo la jaro laama cusub ayuu soo bixiyaa.

Leucaenna leucocephala waxaa uu leeyahay magacyo badan oo uu ka mid yahay: ipil ipil ama river tamarind (ma aqaan illaa hadda magaciisa afka Soomaaliga balse waxaan maqlay dad leh Lebi Doqon).

Geedkan waxaa uu ka soo jeedaa Mexico iyo qaybo ka mid ah Laatiin Ameerika. Geedkan waa geed waxtar badan leh si dhaqso lehna u faafa, mirihiisa oo badan iyo soo dhalashadiisa oo fudud ayaa sahalayaa in uu dhulka ku qabsado muddo gaaban.

Waxaad moodaa dalkeenna in uu muddo aan sidaa u dheerayn soo galay, laakiin horay waxaa laagu beeray wadamada Thailand iyo Cambodia ayadoo loo isticmaalayo calafka xoolaha.

Geedkan waxaa uu leeyahay calaf aad u tayo sareeyo, waana cunto barootiin sare u leh Lo’da iyo xoolaha kale.

Halkii hektar waxaa sanadkii laga soo gooyn karaa illaa 20’000kg oo calaf xoolaad ah.

Waxaa kale uu ku fiicanyahay hagaajinta tayada carrada. Waa geed si degdeg ah u koro oo ku gaaro muddo labo sano ah ku dhawaad 7 mitir.

Xaalufka dhirta ee ka jira degaannada soomaaliyeed, roob yarida iyo annagoo ah umad xoolaha ku tiirsan, waxaan qabaa runtii in uu yahay geed mudan in lagu beero miyi iyo magaalaba.

W; D: Bashiir Xasan Xuseen

Hadalsame Media