Guardiola oo sharraxay sababtii uu xalay u raalligeliyey garsoore Orsato

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2022 – Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa raalligelin siiyey garsooraha reer Talyaani ee Daniele Orsato kaddib markii uu kaarka jaalaha ah qaatay xalay.

Kooxda Premier League ayaa 2-1 kaga badisay kooxda Borussia Dortmund ciyaar ka dhacday gegada Etihad Stadium, Manchester.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Barca, Brescia iyo Roma ayaase si xanaaq badan ula hadlay Orsato, kaasoo ugu dambayntii go’aansaday inuu siiyo kaarka jaallaha.

Guardiola ayaa markaa fal celin la yaab leh sameeyey kaddib markii uu isku duubay garsooraha ciyaarta kahor inta uuna gelin dusmada garoonka.

Waan istaahiley jaallaha. Waan u cudur daaranayaa isaga.” ayuu Guardiola ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay ciyaarta kaddib, isagoo sharraxayey kaarkiisii ​​hurdiga ahaa.

Ma aha markii ugu horreeysey ee Guardiola uu ka horyimaado Orsato iyadoo muuqaal la mid ihi uu dhacay xilli-ciyaareedkii hore kaddib lugtii labaad ee semi-final-ka Champions League ee u dhexeeyey kooxdan Premier League iyo midda Carlo Ancelotti ee Real Madrid.

Orsato waa garsooraha ugu khibradda badan Talyaaniga. 46-jirkan ayaa garsooray 260-kulan oo horyaalka Talyaaniga ah iyo 43-kulan oo Champions League ah, oo uu ku jiro Final-kii 2019-20-kii.

Hadalsame Media