“Aniga cudurka waxaa ii qarisay gabar aan guursadey balse sheegistii ayaan dhib kala kulmay” – Taliye Soomaali ah oo takoor haysto (Daawo)

0

(Kampala) 15 Sebt 2022 – Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo ka mid ah madaxda Ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkan HIV AIDS, ayaa ka sheekeeyey dhibaato iyo takoor uu kala kulmay Soomaalida ku dhaqan magaalada Kampala, Uganda.

Bashiir oo sheegay inay cudurkan u qarisay gabar uu soo guursadey oo xitaa aaminsan in “cudurka ay u roon tahay in lala seexdo dad aan qabin”, ayaa sheegay in laga takooro goobaha caamka ah.

Wuxuu sheegay in iskuul uu iska qoray loo diiddan yahay sidoo kalena looga kala yaacay makhaayad uu saarnaa.

Kabtanka oo la dallacsiiyey bishii Diseembar 2019-kii kaddib markii uu shaaciyey inuu xanuunkan dawo la’aanta ah la nool yahay ayaa quus ka muujiyey aragtida khaldan ee Soomaalida ee ku wajahan cudurkan, taasoo keenaysa inay dad badani qarsadaan cudurka.

MACLUUMAAD GUUD – Cudurka AIDS laguma kala qaado in hal weel wax la iskula cuno, la is taabto, meel la isla dego iwm, marka takoorkani micne samayn maayo waana khalad.

Sidoo kale, in qofkii cudurka sheega la dhiirrigeliyo ayaa waajib ah si aysan dadku u qarin cudurka.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media