Puntland oo digniin u dirtay Ethiopian Airlines (Door ay DF lahayd oo…)

0

(Garoowe) 13 Sebt 2022 – Maamulka Puntland ayaa farriin ogaysiis ah oo digniin u qaab eg gaarsiiyey dayuuradda calan-sidada Ethiopian Airlines.

Farriintan oo ku socota shirkadda Indian Ocean Trading oo la sheegay in laga joojiyey Jaad ay Itoobiya ka keeni jirtey, ayaa u eg mid ku socda EA marka la eego qaab-qoraalka.

“Waxaan EA kula talinaynaa inaysan wax la qabanin shirkadda la xusay.” Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay ku saxiixan tahay Wasaaradda Duulista Puntland.

Xogo hoose ayaa sheegaya in rag ka tirsan madaxda sare ee Puntland ay doonayaan inay Jaadkan u xiraan shirkad ay iyagu wataan ama ay saami ku leeyihiin, iyadoo ay muuqato in siyaasiyiintu ay faraha la gelayaan fursadihii ganacsi ee shacabka.

Si kastaba, Maamullada dalka Somalia ayaan caadiyan lahayn xuquuq dastuuri ah oo ay ku joojiyaan diyaaradaha ka imanaya dibedda oo waa howl u gaar ah DF Somalia oo aan meelna uga xusnayn warqadda, balse dalku ma laha wax nidaam ah oo la tixgeliyo.

Hadalsame Media