Doorashada ka dhacday Sweden oo aan hal arrin oo jirtey waxba ka bedelin

0

(Stockholm) 12 Sebt 2022 – Xilli inta badan codadka la tiriyey, waxay u muuqataa in dhinacyadu aad iskugu dhow yihiin doorashada.

Bsloogga midigta ah ee uu horkacayo Ulf Kristersson (M) waxay soo urursadeen 175 xildhibaan, marka loo eego xisbiyada ay kaabbaha u tahay RW Magdalena Andersson (S) oo haysta 174 xubnood.

Doorashada Sweden xisbiga si uun lib uga keenay waa xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna oo u muuqda mid dhaafi doona xisbiga Moderaterna islamarkaana noqonaya xisbiga labaad ee ugu wayn dalka Sweden.

“Waxay dalban doonaan saamayn ka wayn oo looga sameeyo dejinta siyaasadda dowladda cusub,” ayuu yiri falanqeeyaha siyaasadda gudaha ee Mats Knutson oo la hadlay SVT.

Laakiin iyadoon loo eegin dhinac kasta oo guulaysta labada baloog, midkoodna ma noqon doono mid haysta aqlabiyad uu ku xukumo Baarlamanka Riksdag waana midda muhimka ah.

“Waxa uu noqon karaa muddo-xileed u qasan sida midkii aanu haatan kasoo gudubney.” ayuu ku dooday Mats Knutson.

Hadalsame Media