Daalibaan oo ay la dhacday diyaarad helikobtor ah oo uu Maraykanku ka tegey (Daawo sida ay wax u dheceen)

0

(Hadalsame) 13 Sebt 2022 – 5 askari oo Daalibaan ah ayaa ku dhimatay diyaarad qumaati u duusha oo ah nooca Black Hawk ee Maraykanka xilli ay tababar ku jireen.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaraddan oo ku fadhida 30m oo Doollar oo iska daba wareegaysa kahor inta aysan dhulka madax madax u gelin.

Diyaaraddan oo ah dufcadda UH-64 oo uu Maraykanku siiyey ciidankii dalka Afghanistan ee jabay ayaa waxaa burburkeeda xaqiijiyey Imaaradda Daalibaan.

Enaytullah Khowrazmi, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay inay diyaaraddu burburtay mar ay tababar uga qayb qaadanaysey akadamiye ciidan oo ku yaal Kabul.

Diyaaraddu uma muuqato mid ay cilladi hayso balse dadka qaar ayaa dhicidda u aaneeyey la’aanta duuliye xirfadle ah.

Hadalsame Media