XOG SIRDOON: Ruushka oo hub fara badan ka gadanaya dal ay Galbeedku go’doomiyeen & Fasiraadaha

0

Marka laga soo tago gantaalaha riddada gaagaaban iyo madaafiicda goobta, waxaa la filayaa in Ruushku uu isku dayo inuu mustaqbalka qalab dheeri ah kasoo iibsado Kuuriyada Woqooyi, sida uu wargaysku sheegay, isagoo soo xiganaya sarkaal Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Tillaabada uu Ruushku ku doonayo inuu hub uga iibsado Kuuriyada Woqooyi, oo ah dowlad go’doonsan oo ay saaran tahay cunaqabatayn caalami ah oo ku saabsan barnaamijkeeda hubka nukliyeerka ah, ayaa muujinaysa in “ciidamada Ruushku ay la ildaran yihiin yaraan ba’an oo dhanka saadka ah, taas oo ay ugu wacan tahay qayb ka mid ah xakamaynta dhoofinta iyo cunaqabataynta saaran,” sida ay qortay Wakaaladda Wararka AP, iyadoo soo xiganaysa sarkaal Maraykan ah oo is qarinaya xasaasiyadda xogta uu bixinayo darteed.

Russia has deepened ties with countries including North Korea and Iran since its invasion of Ukraine in February drew international condemnation and sanctions that have made it more difficult to keep its military supplied with weapons and equipment.

Yeelkeede, Ruushka ayaa sii xoojiyey xiriirka uu la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Woqooyi iyo Iran tan iyo markii ay duullaanka ku qaadeen Ukraine bishii Febraayo xilli ay la kulmeen cambaarayn iyo cunaqabatayn caalami ah oo sii adkaysay in ciidankoodu ay helaan hub iyo qalab kale.

Waxaase jira dad aaminsan in Ruushku uu tillaabadan ku cayilinayo dhaqaalaha dhulka ku jira ee Kuuriyada Woqooyi oo ah dal ay Galbeedku go’doomiyeen.

Hadalsame Media