Arrin ay DF la maaggan tahay rag xilalka laga qaadi rabo oo u baahan qorshe ka horreeya

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2022 – MAGACAABISTA WAXAA KA HORREEYSA QORSHE FULIN.

Tan iyo markii ay madaxda cusub ee dowladdani xilka la wareegtay, waxey dad badani aad u dhararayeen in Maamulka G/Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada la wada badelo, oo la raaciyo madaxda dowladdii hore ee magacowday ama ay la soo shaqeynayeen, dadkaasi waxey isugu jiraan labo kooxood.

•Koox:- waa kuwa u arka madaxdani iyagu iney ka dambeeyaan falal kasta oo amni daro ah oo dhaca maadaama aaney daacad u aheyn Madaxda hada joogta sida ay aaminsan yihiin, sidaas daraadeedna waa kuwa raba in si degdeg ah loogu bedelo madax taabasan dowladan, sidoo kale kooxdani waxey isku dhufsaneysaa qaacidada xisaabtii aan soo arki jirnay ee aheyd in Madaxweyne kasta marka uu kursiga soo fadhiisto ay caado u aheyd in madaxda uu ugu yimaado meesha uu degdeg ugu bedelo kuwo uu isagu soo magacaabo.

•Kooxna :- waa koox ay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin xil doon ah oo fursad u arka hadii madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilka laga qaado iney iyagu boosaska soo buuxin doonaan, bilo ka hor ayeyna isku dhufsadeen xisaabta Aljabrada ah ee saami qeybsiga beelaha maadaama madaxda hada joogta ay Saaxiibo dhow layihiin lana soo halgameen,qaarkood ayaaba gawaari deyn ah oo aan xabaduhu karin sii qaatay islamarkaana suuqa sii gashaday in iyaga loo wado xil hebel iyo xero hebel.

Halkaas markeey taagan tahay, Waan ogahay xaaladda iminka taagan iney qasab ka dhigeyso in madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada isbedel lagu sameeyo si kalsoonida madaxda Sare iyo dareenka dadka loo ilaaliyo, tankale, ma moogi hab dhaqankaan in uu yahay mid soojireen ah , xitaa waxaa aaminsan Madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada ee hada xilka haya, sida aan la wada soconana dhamaantood waa xil ka qaade sugayaal, maadaama ay qaarkood xiligii wax lakala riixanayay ay jid cadayaal qaldan isaga soo hor baxeen madaxda cusub ee iminka talada dalka heysa.

Dhowaan ayayna aheyd markii Gud/Gobolku fagaare ka yiri “Waan ogahay in leygu soo maqan yahay oo ley bedelayo laakiin ma aqaan cidda leygu bedeli doono” Qaarkood iyadoo aan la soo gaarin iyagaa xilalka sii baneeyay oo dibada dhagax tuur iyo dhega hadal ka sii bilaabay, kuwana waa horeey is gaabiyeen, mar hadii ay arini halkaas taagan tahay, dhamaanteen wey noo muuqataa inaan Tareenkaan cusub boos uga banaaneyn, oo waxaaba suurtagal ah iney iyaga qudhoodu MD & RW ku dhaliilayaan iney ka gaabiyeen xilka qaadistooda, si ay uga nafisaan wajigabaxa ay iminka ku shaqeynayaan.

Hadaba, dulucda iyo halka aan u socdo waa halkaan, dadka qaba in madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilalka laga qaado, horta ujeedkoodu ma in ciyaartoydaan Naadiga laga diro baa maadaama ay Flop noqdeen,….?….oo waxey isku raadinayaan LINE-UP cusub oo Tabarbaraha la soo doortay iyo kooxda la qabsan kara, …….Mise aragtidoodu intaa waa ka balaaran tahay oo waxey tuhmayaan in la heli karo madax iyo Saraakiil wax ka bedeli karta waxqabad la’aanta iyo fadhiidnimada uga muuqata gobolka iyo ciidamada.

Haddii doodoodu ay tahay qodobkaan dambe oo ah mid aragti danguud ah ku qotoma waxtarna u leh dalka iyo dadka, waa mid maangal ah oo mudan in lagu dhaqaaqo, maadaama ay dowladdu wajaheyso qorshayaasheeda mudnaanta koowaad u leh, sida xaqiijinta Amniga iyo kan lagula tacaalayo abaaraha iyo nolosha dadka tabaaleysan, iyadoo himilooyin kaas kadibna ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada laga dhaqaajiyo isgoyskaan aan 22 ka sono dhaafi la’nahay, Tareenkana la gaarsiiyo isgoysyo kale oo ay shacabku u hamuun qabaan in loo daawasho geeyo.{Waa Riyo aad u fiican}

Haddiise uu xaalkoodu yahay hebel hebel ku bedel uun., iyo waa kuwii rijiim kii hore la shaqeynayee qori iyo qaaciisa hala is raaciyo, ama waa kii iyo kaas sidaa lahaa iyo wax la mid ah, oo aaney jirin qorshe guud oo ka bedelan qorshayaashii hore ee ay madaxdii hore ku shaqeynayeen.

Taasi Ma aha fikrad ka soo maaxatay maskax meel fog wax ka eegeysa ama ay dhab ka tahay in dalkeenu ka badbaado halista uu ugu jiro in uu ku dhaco haadaanta uu ku sii socdo, mana aha mid ka damqaneysa duruufaha abaareed, colaadeed, nololeed, dhaqaala xumo, shaqo la’aaneed, caafimaad darro, sicir barar ee ay dadkeennu wehelka u yihiin, dhankastoo ay u dhaqaaqaana aaney jirin cid uga tureysa dayaca, quusta iyo qalbijabka ay weheshadaan. {waana aragti jug jug meeshaada joog ah}.

Ugu dambayn, waxaan kula talinayaa Madaxda sare ee dalka in madaxda cusub ee loo soo wado maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada aan la iskaga soo magacaabin waa Saaxiibo tareenka dacalka ka heysta ama kuwa Siyaasad lagu qancinayo iyo Wax la mid ah,ee waa in magacaabis tooda ka hor loo diyaariyaa qorshayaal ama waajibaad shaqo oo cadcad oo wax ka bedeli kara mustaqbalka Ciidamada iyo kan Gobolka Banaadir, islamarkaana masuul kasta oo la magacaabayo gacanta laga saaro feylkiisa waajibaadkiisa shaqo iyo warqaddiisa magacaabista, loona xil saaro gudi kula xisaabtama fulinta shaqooyinka loo igmaday oo Taariikheysan, hadii kale sidii kuwii hore ayey nala meereysan doonaan iyagoo u arka jagada loo magacaabay iney tahay SUMMER JOB lagu yiri ka xooleyso oo kaliya.

W; Q: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media