QALCADDII CIRKA: Maraykanka oo dayuurado fuliya duqaymaha istaraatijiga ah keenay dal xad la leh Ruushka + Sababta

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2022 – Wasiirka Difaaca ee Poland, Mariusz Błaszczak, ayaa sheegay in bamarka Ciidamada Cirka ee Maraykanka ee B-52H ay timid Poland.

“Diyaaradda B-52 ah ayaa soo gaartey Poland. Iskaashigeenna iyo awoodeenna aan ku difaacayno garabka bari ee NATO ayaa sii kordhaya,” ayuu yiri Wasiir Błaszczak.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in iskaashiga Polish-American-ku uu aad iskugu sii dhowaanayo.

B-52, oo sidoo kale loo yaqaan Stratofortress, waa bambar fuliya duqaymaha istaraatijiga ah ee riddada dheer ee Maraykanka, iyadoo ay naqshadaysay Shirkadda Boeing 1948-kii, markii ugu horreeyseyna duushay 1952-kii, waloow ay rasmiyan u howl bilowday 1955-kii.

Poland ayaa deris la ah gobolka Kliningrad oo Ruushka ka tirsan oo ay sidoo kale yaallaan hubka istaraatijiga ah ee Maraykanka.

Hadalsame Media