MW Putin oo la qorsheeynayo booqasho uu ku tago dalka Ukraine & Howl socota

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa hubaal ahaan la sheegay inuu booqan doono Donbass oo uu ka qabsaday Ukraine, laakiin taariikhda safarkan weli lama cayimin, sida uu sheegay Xoghayaha Warfaafinta Kremlin-ka ee Dmitry Peskov.

“Marka laga hadlayo safarka Madaxwaynaha [Jamhuuriyadda Dadka Donetsk (DPR) iyo Lugansk (LPR)], wax shaki ah kama qabo in marka waqtiga saxda ihi yimaado booqashadan oo kale ay dhici doonto,” ayuu Peskov u sheegay wargayska Izvestia Talaadadii.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Moscow ay leedahay “qorsheyaal ballaaran” oo ku saabsan dib u dhiska gobolka ay qabsadeen ee Donbass, kaas oo ku burburay dagaalka ka dhex socda Ruushka iyo Ukraine.

“Waxaad arki karaysaa in dhismuhu socdo, dhismayaal cusubna la bilaabayo. Dadaal xoog leh ayaa la sameynayaa si loo soo celiyo dhammaan nidaamyada muhiimka ah,” ayuu ballanqaaday.

“Waxaa ka mid ah dhuumaha biyaha, saadka tamarta, goobaha bulshada. Shaqo adag ayaa socota, waxaana ku lug leh kumanaan kun oo qof.” ayuu raaciyey afhayeenku.

 

Hadalsame Media