“Hal habeen ayaan ku duuli karnaa” – MW Turkiga oo sheegay inuu dulqaadkii ka dhammaanayo & Dalka ay is hayaan

0

(Ankara) 07 Sebt 2022 – MW Turkiga ayaa digniin culus soo saaray isagoo u caraysan Giriigga oo uu sheegay inay jasaa’irka Badda Aegean u isticmaalayaan si ay u dhibaateeyaan diyaaradaha millateriga Turkiga, sida uu sheegay MW Recep Tayyip Erdogan.

Waxaa uu intaa ku daray in Ankara aysan u dulqaadan doonin habdhaqanka noocaas ah weliba si aan xad lahayn oo aan la qeexi karin.

“Marka uu waqtigu yimaado,” waxaa laga yaabaa inuu Turkigu “si lama filaan ah u yimaado hal habeen” oo uu aargoosto,” ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo hoggaamiyaha Bosnia iyo Herzegovina intii lagu jirey booqashadiisa waddanka Balkan-ka.

Erdogan waxa uu sheegay in aanay “astaan ​​wanaagsan ahayn” in raadaarrada Giriiggu ay shiishka saareen diyaaradaha Turkiga, isaga oo hab dhaqanka Athens ku tibaaxay mid “halis”.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Giriigga inay adeegsatey saldhigyada millateri ee ay ku leedahay jasiiradaha Badda Aegean si ay halis u geliso Ankara.

“Haddii halisaha sharci darrada ah ee naga soo horjeedaa ay halkaasi ka sii socdaan, dulqaadkeennu wuu dhammaan doonaa,” ayuu ku gooddiyey Madaxwaynuhu.

“Marka la gaaro waqtiga, tillaabooyin lagama maarmaan ah ayaa la qaadi doonaa.” ayuu yiri Erdogan. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan faah faahin tillaabooyinka saxda ah ee Turkigu qorshaynayo inuu qaado.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ay warqad u dirtay 25 xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub, iyo sidoo kale diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub, Josep Borrell, iyo Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg, kuwaasoo ay ku caddeeyeen mowqifka Turkiga ee xaaladda kacsan ee badda Aegean.

Hadalsame Media