“Dagaalka uu Ruushka nagu qaaday waxaa u dhimanaysa Somalia” – MW Ukraine oo ballanqaad u sameeyey Somalia

0

(Kyiv) 07 Sebt 2022 – Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in 28,600 oo tan oo xabuub ah ay usoo daabuli doonaan Soomaaliya oo ah dal ay macluuli ku dhufatay dhowrka toddobaad ee soo socda.

“Ukraine waxay sii waddaa inay ku badbaadiso adduunka badarkeeda. Marka laga soo tago maraakiibtii hore ee ay Yukrayn u dirtay Afrika, 28,600 oo tan oo qamadiga Ukraine ah ayaa toddobaadyada soo socda iman doona Soomaaliya,” ayuu yiri MW Ukraine.

“Dalkan, dagaalka uu Ruushku kula jiro Ukraine awgii, Qaramada Midoobey waxay saadaalisay macluul ba’an dhammaadka sannadkan.” ayuu yiri Zelensky.

Ilaa 1 milyan oo carruur ah oo Soomaaliya ku nool ayaa hadda halis ugu jira inay gaajo u dhintaan, iyadoo UNICEF ay Talaadadii shaacisay in boqollaal carruur ihi ay horraanba ku dhinteen xarumaha nafaqaynta ee Soomaaliya, maadaama ay qaarkood gaareen xaalad aan waxba laga qaban karin.

 

Hadalsame Media