Taiwan oo qoryo gaar ah u diyaarsatay daroonnada Shiinaha ee hawadeeda soo gala (Qaab-howleedkooda?)

0

(Taipei) 05 Sebt 2022 – Millateriga Taiwan ayaa ku dhawaaqay in qoryaha lidka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la gayn doono jasiiradaha Kinmen iyo Matsu, kaddib markii dhowr duullaan oo daroon (UAV) ah la sheegay in ay ka yimaadeen dhulwaynaha Shiinaha.

Kinmen iyo Matsu waa kooxo jasiirado yaryar ah oo ku yaal marin-biyoodka Taiwan, oo ay maamusho Taipei laakiin ku yaal meel u dhow xeebta Shiinaha.

Millateriga Taiwan ayaa sheegay in ciidamadan loo gacan geliyey qoryaha lidka diyaaradaha noocan ah ee bilaa wadaha ah, taasoo qayb ka ah hab dabacsan oo lagula tacaalayo khataraha soo socda.

Aaladuhu waxay jaam gelinayaan hir-baacyada mowjadaha uu daroonku adeegsanayo si uu ula xiriiro saldhigga laga xukumayo, taasoo keenaysa in diyaaraddu ay ka baxdo xakamayntii oo ay deeto shil gasho oo dhacdo.

Taiwan ayaa ka warbixisay in dhowr jeer ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn hawadooda soo galeen todobaadkan, waxayna ku eedaysay Shiinaha inuu u soo diray “si ay u wiiqaan nabadda iyo xasilloonida.”

Khamiistii, ayaa diyaarad nooca UAV ah lagu soo ridey meel u dhow jasiiradaha Kinmen. Wareegyo rasaas nool a ayaa lagu soo ridey diyaarad aan duuliye lahayn oo “rayid ahayd” kaddib markii ay iska dhega tirtay digniino dhowr ah oo la siiyey, sida ay sheegtay Taipei.

Hadalsame Media