Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DF oo weerar ku qaaday Maxkamadda Shabaabka & Dad la sheegay in la ”qabtay” + Sawirro

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2022 – Dagaal culus ayaa saaka oo Isniin ah dhexmaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab oo ku sugnaa meel u dhow degaanka Basra oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Balcad gaar ahaan meel maxkamad u ahayd Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan Harmacad oo ah booliis si gaar ah u tababaran iyo cutubyo ka tirsan Sirdoonka NISA.

Dagaalka ayay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aan la ogayn khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse waxaa la filan karaa in khasaare uu jiro.

Saraakiil iyo dagaalyahano badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa gacanta lagu dhigay, sida ay sheegeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in dad rayid ihi ay ku sugnaayeen Maxkamadda Al Shabaab ee Basra goortii la weerarayey, kuwaasi oo sugayey in la dhageysto dacwaddooda. Lama se oga in dad rayid ihi dhinteen iyo in kale.

Hadalsame Media