Maxkamadda Sare ee Kenya oo xugmisey Doorashada Kenya (Waqtiga dhaarta la muddeeyey?)

0

(Nairobi) 05 Sebt 2022 – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa xukuntay in William Ruto si sax ah loogu doortay madaxweynaha dalkaasi, iyadoo meesha ka saartay dacwado dhowr ah oo la doonayey in lagu baabi’iyo natiijadii doorashadii 9-kii Agoosto.

Ninka la tartamaya, Raila Odinga, iyo kuwa kale ayaa ku eedeeyey Guddiga Doorashada inay dhacday wax isdaba marin ballaaran, oo ay ka mid tahay faragelinta foomamka natiijada.

Mr Ruto ayaa helay 50.5% codadkii la dhiibtey doorashadii Kenya ee sida adag loogu dagaallamay.

55-jirkan oo ahaa MW Xigeenkii hore, ayaa toddobaadka soo socda loo dhaarin doonaa xilka Madaxwaynaha shanaad ee dalkaasi.

Hadalsame Media