“Aan rajayno in tillaabo la qaado” – Ruushka oo lagu weeraray Afghanistan & howlwadeenno dhintay (Ruushka oo hadlay)

0

(Kabul) 05 Sebt 2022 – Laba ka mid ah shaqaalaha Safaaradda Ruushka ayaa ka mid ahaa dad badan oo maanta ku dhintay qarax ka dhacay meel ka baxsan xafiiska diblamaasiyadeed ee dalka Afgaanistaan, caasimadda Afgaanistaan, Kabul, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka.

Qof isa soo miidaamiyey ayaa jaakadda uu sitey ku qarxiyey gees laga soo galo albaabka wayn ee Safaarada Ruushka, isagoo sida muuqata bartilmaameedsaday dadka degaanka oo saf ugu jirey fiisaha dalkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta guduhu.

Dhimashada ayaa gaartey 25 qof, halka tiro intaa ka badani ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay shabakadda wararka ee Aljazeera.

Qaraxa ayaa dhacay markii shaqaale ka tirsan Safaaraddu uu dibedda ugu soo baxay dad safka ku sugayey, sida ilo xog ogaal ihi ay u sheegeen Wakaaladda Wararka ee RIA-Novosti.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa goor sii horreeysey sheegtay in ilaalada ay u suuragashay in ay arkaan ninkii is qarxiyey kadibna ay rasaas ku fureen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov, oo hadlay dhacdadan kaddib ayaa sheegay in la adkeeyey ammaanka Safaaradda Kabul, iyadoo la geeyey ciidamo dheeraad ah oo sirdoon iyo kuwa lidka-sirdoonka Afgaanistaan ​​ka tirsan.

“Aan rajayno in qabanqaabiyeyaasha iyo dembiilayaasha weerarkan argagixisannimo ay la kulmaan ciqaabta deg degga ah ee ay mudan yihiin.” ayuu Lavrov ku daray.

Ruushka ayaa ka mid ah dalal fara ku tiris ah oo weli safaarad ku leh Kabul tan iyo markii ay Taliban qabsadeen Afgaanistaan ​​sanad kahor.

Hadalsame Media