Imisa SAF ayay ka kooban yihiin dadka saluugsan siyaasadda MW Xasan Sheekh?!

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2022 – Dadka dhaliilaya dowladda madaxweyne Xasan Sheikh waxey isugu jiraan seddex koox, qolo waa kuwii laga adkaaday, qolana waa siyaasiyiin xil waayey, arrintooduna dhaliil mahaan ee waxay ka tahay cadkaanow ama ku cunay ama ku ciideyey.

Qolada sedexaad ee u dambeysa waa mid caafimaad qabta, waa qolo laxjeclo badan madaxweynaha ka hayso, waa qolo ubadan taagerayaashii madaxweynaha iyo shacabkii ka dhiidhiyey xumaantii aan shansano usoo joognay, ayna isdiidanyihiin sida waxku billowdeen, wixii laga dagaallamay iyo filashada shacabku.

Anigu qolada dambe ayaan ku jiraa, waxaan nahay xaldoon ee xildoon maahin, waxaan diidanahay abaabulka kooxeysan ee wax qeybsiga ku saleysan, madaxweynaha ma diidanin, ee waxaan diidanahay in jahada laga lumiyo, aragtideenu waxey ku saleysantahay in lasaxo wixii qaldanaa, ee aan lagu dulshaqeysan, xoogga in isbadal shaqo la isugu geeyo ayaan dooneynaa, madaxweynahana la caawiyo ee aan la dhibin.

Madaxweyne waa run boqol maalmood waxba laguma qaban karo, laakiin qorshihii wixii la qaban lahaa ayaa laga shaqeyn karay lamana aadin, tillaaboyinka ilaa hadda la qaadayna waa kuwo keliya u adeegeysa danaha koox iyo shaqsiyaad kooban.

Madaxweyne shaqsiyan anigu waan ku kalsoonahay iney kaa go’aantahay inaad umadda u adeegto, laakiin kooxda kula joogta waxey doonayaan iney talada kugula dhagaan, danna kama lahan sumcadaada, waxey doonayaan iney waqtiga kaa lumiyaan, hadhowna ku dhigaan boos aad ku qasbantahay dantooda, waana meesha aan kula diidanahay iney ku geeyaan.

Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa inaad kusoo baxday kacdoon dadweyne, in kabadan farsamo siyaasiyadeed, olalahaagii waxaa ka qeyb galay arday iyo macallimiin rejo beel ahaa, waayeel ku aaminay, ganacsato la ciilay, askar dhidoodkooda iyo dhiigooda kuugu hiiliyey, qurbajoog quusan waayey iyo indheergarad diidana in dowladnimadu ku aruurto gacanta shaqsiyaad kooban, loona adeegsado dano kooxeed, sidaas darteed intaas oo dhanba niyad jab ayey ku tahay iney maqlaan madaxweynihii waxaa talada kula dhaggan qawleysato iyo iney weli talinayaan dadkii shalay laga bannaan baxay.

Madaxweyne waa run culeysku waa badanyahay, laakiin wadadu waa caddahay, ee yaan lagaa leexin, waxaan kugula talinaya inaan la idin dhexeyn adiga iyo ciidanka, adiga iyo qabiillada is abaabulay, kana faa’iideyso dabeysha kacdoonka billwoday, waxaan kugula talinayaa inaad dhisato koox cusub oo aad hawlkarnimo ku xulatay, oo aan lahayn dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale, ogowna 15 Maajo kaddib koox ma lihid, kuumana shaqeyso ee waxaa loo kala miirmay dano isdiiddan iyo is cayrsi qofeysan.

Ugu dambeyn waxaan kaaga digayaa iney isku kaa suuxiyaan saaxiibadaa aan wixii berri kaa qaldama taariikhda kugula qeybsan dooniin sidii dhacday 2016, sidaas darteed madaxweynow buuro ha uga boodin, dad aan dartaa xitaa waddo yar uga tillaabsadeen, eedna mardambe ha u gelin.

W; Q: Maxamed Royal

Hadalsame Media