“Go’aanku waa inuu xaqiiqda la gudboonaadaa” – MW Ahuru oo soo saaray war uu ku diiddan yahay go’aanka Maxkamadda Sare

0

(Nairobi) 05 Sebt 2022 – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa maanta xukuntay in William Ruto si sax ah loogu doortay madaxweynaha dalkaasi, iyadoo meesha ka saartay dacwado dhowr ah oo la doonayey in lagu baabi’iyo natiijadii doorashadii 9-kii Agoosto.

Ninka la tartamaya, Raila Odinga, iyo kuwa kale ayaa ku eedeeyey Guddiga Doorashada inay dhacday wax isdaba marin ballaaran, oo ay ka mid tahay faragelinta foomamka natiijada.

Mr Ruto ayaa helay 50.5% codadkii la dhiibtey doorashadii Kenya ee sida adag loogu dagaallamay.

Yeelkeede, MW Uhuru Kenyatta ayaa soo saaray hadal u qaab eg inuusan ku qancin go’aanka Maxkamadda Sare ee Kenya.

“Runta ay bixiyeen hay’adeheennu miyay la gudboon yihiin waxa ay muwaadiniintu arki karaan,” ayuu is waydiiyey.

“Caqiidada dhabta ah iyo xukunka dhabta ihi waa in ay u dhigmaan xaalada dhabta ah ee arimaha jira. Waa inaan kula xisaabtannaa hay’adahaasi marxalad kasta.” Ayuu raaciyey.

Madaxwaynaha degaya ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaase sheegay in ay ka go’an tahay in uu si habsami leh xilka u wareejiyo.

Hase yeeshee, hal marna ma xusin magaca Ruto oo ah madaxwaynaha dooran, isagoo warka ku koobay: “Guul ayaan u rajaynayaa kuwa guuleystey.”

Hadalsame Media