”Waa xaalad murugo leh!” – Nin shisheeye ah oo ka sheekeeyey arrin NAXDIN leh oo uu Somalia kusoo arkay

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2022 – Dalka Somalia ayaa sanadkii 4-aad oo xiriir ah wajahaya abaartii ugu ba’nayd muddo dhowr toban-sanaale ah.

Madaxa gargaarka bini’aadminnimo ee Qaramada Midoobey Martin Griffiths oo ka mid ah dadkii ugu dambeeyey ee qalaad ee arka qaxarka Somalia, ayaa u sheegay warfidiyeenka in uu “maalmihii la soo dhaafay ka naxay” booqashadii uu ku tegey Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inuu indhihiisa kusoo arkay caruur gaajaysan oo aad u daciif ah oo aan xitaa ooyi karin heerka ay jileec iyo nafaqa darro ka joogaan.

Laga bilaabo bishii Agoosto 2022, 7.1 milyan oo qof ayaan buuxin karin baahidooda cunto ee maalinlaha ah waxayna u baahan yihiin gargaar bini’aadminnimo oo degdeg ah, iyadoo in ka badan 200,000 ay soo food saartay gaajo halis ah, sida ay QM sheegtay oo ka digtey inay Somalia qarka u saaran tahay xasarad aadminnimo.

Qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 jir ayaa sidoo kale la ildaran nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo 386,000 ka mid ihi ay wajahayaan khatar sare oo ah cudurro iyo dhimasho macluusha sababsanaya.

Dalka sidaas ah ayaysan ilaa iminka jirin tillaabooyin micne leh iyo qorshe loo qaaday in wax laga qabto ugu yaraan dhirta sida caqli xumada ah loo jarayo, iyadoo ay madaxda Somalia inta badan ka murgaan kursi iyo wax kala tuurasho.

Halka ay qaar kale dadka dhibkaa ku jira oo aanay waxba u taraynin dil, go’doomin, kaabayaasha oo ay ka kharribaan iyo baad adeeg uga dhigeen.

Hadalsame Media