DF Somalia oo keentay qorshe ay canshuur uga qaadanayso dhammaanba gobollada dalka (Qaabka?)

0

(Muqdisho) 05 Sebt 2022 – Warar haatan la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalku ay waddo qorshe cusub oo ku dhisan qaab canshuur looga qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku soo socda guud ahaan Dekedaha dalka Soomaaliya

Dowladda ayaa canshuurtan maraakiibta ugu qaadi doontaa dalka Imaaraadka Carabta oo uu dhowaan booqday Madaxwaynaha DF Soomaaliya.

Canshuurtan ayaa waxay khusayn doontaa dhammaanba maraakiibta ku socota dekedaha rasmiga ah ee dalka sida Berbera (ka tirsan Somaliland oo goosad doon ah), Boosaaso, Kismaayo iyo xitaa dekedaha kale ee yar yar ee dalka ee aanay canshuurin DF.

Ujeedka canshuurtaan Dowladdu ay ugu qaadayso Imaaraadka ayaa la sheegey in ay sabab u tahay kaddib markii ay maamullada dekedahaasi ka jira ay ka baaqsadeen inay bixiyaan canshuruta Dowladda Federaalka oo haatan Muqdisho uun canshuurta.

Hadalsame Media