MAR DHOOF! Maxaa dhacay markii ay isla safreen Cabdiweli Gaas & Ina Goodax Barre?! (Kee labadooda sii badowsanaa maxaase dhacay?)

0

(Hadalsame) 05 Sebt 2022 – Akhriska buugaagta xusuustebyada qofeed ka warramaa buugaagta kale waa iiga xiise badan yihiin, weliba kuwa ay qoraan dadka noloshooda miyiga ka soo bilaabay dhadhan gooni ah iyo saamayn gaar ah ayay igu leeyihiin. Malaha waa in ay ka warramayaan nolol aan aqaan.

Buugga uu qoray Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas (ra’isul wasaarihii Soomaaliya 2011-2012) waxa uu ka mid yahay buugaagtaas dhadhanka goonida ah ii leh, gaar ahaan qaybihiisa hore oo Cabdiweli uga warramaya noloshiisi hore.

Cabdiweli aad baan ugu bogaadinayaa in uu ka leexday jidkii raggii kursiga uga horreeyay, iyo kuwii uga dambeeyayba oo aan ilaa maanta wax ay qoreen la haynin. Bal qiyaas annaga oo maanta haysan lahayn buugaag ay qoreen Cabdullaahi Ciise, Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaaq Xaaji, Maxamed Xaaji I. Cigaal iyo rag badan ra’isul wasaarayaal soo noqday?

Taariikhdu (sida tan buuggan) sideedaba qofka ay ka duldhacayso dhadhan wayn u ma laha, laakiin 30, 40 ama 50 sanno ka dib dadka daneeya ayay macne, waxtar iyo dhadhanba u leedahay. Sidaas daraaddeed buuggan taariikhda ku qoran dadkeenna joogay xilliga ay dhacaysay macne wayn u ma leh, laakiin jiilka Soomaaliyeed ee 50 sannadood hadda ka dib joogi doona aad bay Cabdiweli ugu mahadcelin doonaa, ragga aan wax qorinna maba garan doonaan badankoodu.

Buuggu in kasta oo 10 cutub yahay, xaqiiq ahaan, waa 2 qaybood: qaybta hore waxay ka bilaabanaysaa dhalashadiisi waxa ayna ku dhmaanaysaa asaga oo Soomaaliya ku soo noqday 2010 (inkasta oo uu markaas ka hor marar badnayn haffana gaaban Puntland tagay), halka qaybta labaad ka bilaabay October 2010 markii Farmaajo oo markaas ra’isul wasaare loo magacaabay uu taleefan u soo diray ka ma codsaday in uu golihiisa wasiirrada ka mid noqdo.

QAYBTA HORE – Berigii uu Cabdiweli noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa na loo sheegay in uu dhashay 1965, laakiin Cabdiweli waxa uu buuggiisa ku sheegay in uu 1960 ama 1961 midkood ku dhashay miyiga u dhow Gaalkacyo, gaar ahaan dhulka gumaysigii Ingiriisku u bixiyay Reserve Area ka dib na uu Itoobiya gacanta u geliyay. Waxa uu sheegay in asaga oo shan jir ah uu aabbihiis asaga iyo walaalkiis ka wayn u diray adeerkood oo Muqdisho degganaa, balse wax yar dabadeed uu adeerkiis go’aansaday in labadooda midkood uu baaddiye ku celiyo asaga oo ku andacooday in uusan awoodin masruufka iyo waxbarashadooda inkasta oo adeerkaasi uu mushaar badan ka qaadanayay sharikad Maraykan ah oo uu shaqaale u ahaa. Halkan waxa uu Cabdiweli ku xusayaa sidii uu u la dhakafaaray Muqdisho, dadka tirada badan, laamiyada ay baabuurta badan yaacayaan iyo xeebta buluugga ah ee hirarkeeda waawayn ee xumbada dulsabbaynaysa u la ekeedeen riyihii qoyskooda.

Nasiibdarro iyo ayaan badni tu ay ahaydba, Cabdiweli waxa uu noqday gabankii miyiga loo celinayay. Islaan ay qaraabo ahaayeen baa lagu daray. Waxa uu sheegay in maadaama aysan jirin basas magaalooyin fogfog aadaa in ay raaceen gaari xamuul ah.

Amarka Ilaahay, go’aan fudud oo qof ku dhaqaaqo ama ficil yar oo si aan kutalagal ahayn qof ugu dhaqaaqo baa sabab u noqda jaangoynta nolosha iyo mustaqbal qof kale. Cabdiweli waxa uu buugga ku qoray in gaarigii ay saarnaayeen ku hakadaya kaalin shidaalka laga qaato uu taallay Dhuusamarreeb dabadeedna haweeneydii Cabdiweli wadday baa go’aansatay in inta gaariga shidaalka lagu shubayo ay Cabdiweli soo tusto guri uu degganaa Cabdiweli adeerkiis, Cabdullaahi Cali-Gaas oo magaalada dukaan yar ku haystay, dabadeedna uu adeerkiis Cabdiweli islaantii ka reebay Cabdiweli na uu sidaas uga badbaaday noloshii miyiga ku na bilaabay waxbarasho in ka badan 30 sannadood ka dib Maraykan ugu dhammaatay.

Qaybtan waxyaabaha uu ku xusay waxaa ka mid ah in uu si fiican u xusuusto doorashadii Baarlamaanka ee dhacday March, 1969 asaga oo intaas ku daray in Dhuusamarreeb ahayd goob ay si daran ugu legdameen xisbigii SYL ee talada hayay asxaabtii mucaaradka. Arrinta xiisaha leh ee Cabdiweli halkaan ku xusay aniguna aanan horay u maqlin ayaa ah in 3dii nin ee SYL u xushay 3dii kursi ee Dhuusamarreeb taallay ay ahaayeen Adaan Shire Jaamac (Aadan Low), Mahad Dirir Guuleed iyo Maxamed Siyaad Barre oo taliyaha Ciidanka Xoogga ahaa. Waxa uu intaas raaciyay in maadaama uusan sharcigu Maxamed Siyaad u oggayn tartanka uu booskiisi geliyay oo taageeray Cali Shire Warsame oo ay qaraabo ahaayeen. Horay u ma maqal in Maxamed Siyaad xildhibaanno holliyay.

Cabdiweli waxa uu buugga ku qoray in 1984 uu Jaamacadda Ummadda ka qalinjabiyay ka dib na uu shaqo ka helay wasaaradda maaliyadda oo sida uu sheegay aan shaqaaluhu wax shaqo ah oo buuran ka qaban jirin, keliya madaxa ay gayn jireen si mushaarkooda u ilaashadaan. Sannad ka dib waxa uu waxbarasho u aaday Maraykan. Waxa uu yiri waxaan israacnay Cabdullaahi Goodax Barre oo asaguna waxbarasho u socday. “Goodax aad buu iiga shacraraystay” ayuu yiri Cabdiweli sababtoo ah weligay diyaarad ma raacin oo badow baan ahaa. Xataa mariaan New York tagnay oo hoteel la na geeyay badownimadii iga ma bi’in oo waxaan aqoon waayay sida TV-ga loo bedbeddalo maadaama aan weligay daawan taas oo Cabdullaahi Goodax Barre aad ugu qoslay. Waxyaabo kale oo qosol badan oo mardhoofku la kulmo ayuu ku qoray.

Qaybta 2-aad ee buugga mar kale ayaan soo koobayaa. Idanka Eebbe.

Waxaa Koobay: Cali M Diini

Hadalsame Media